arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Daawo.. Dhacdadii Ugu Yaabka Badneyd ee Taariikhda Oscar-ka

Xafladdii lagu qeybinayay abaalmarinnada Oscar-ka ee 91aad ayaa waxaa ka dhacay dhacdo naadir ah oo markii ugu horreysay lagu arkay abaalmarintan ugu sarreysay ee lagu bixiyo Fanka 7aad.

Waxaa barta internetka ku faafay muuqaal dad badan layaab ku noqday oo laga duubay aktarka iyo heesaaaga reer Mareykan ee Billy Porter oo ku dul socday roogga cas ee loogu talagay iney maraan dadka caanka ah ee ku casuumay xafladda abaalmarinta ugu sarreysa ee Oscar-ka.

Porter waxa uu soo xirtay cambuur madow oo shabbaha kii ay dumarku xiran jiyeen qaniyadii dhexe, laabta looga ekaysii dhar rageed oo watay taay balanbaalis shabbaha.

Toobkan ayaa waxaa naqshadeeyay Christian Siriano oo noqday guuleystihii ugu da’da yaraa barnaamij telefishin oo naqshadeynta dharka modelka ah lagu tartamo.

Waxaa xusid mudan in Porter uu ku caan baxay kaalintii uu ku lahaa musalsallo telefishin, sida: “American Horror Story”, “Pose”, “Law & Order”, waxaanuu ku guuleystay abaalmarinta Golden Globe Award sanadkan 2019 oo lagu siiyay kaalintii uu ku lahaa musalsalka “Pose”.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close