WararkaWaxbarashada

Mucjiso.. Hooyo Ilmaheeda Yar Ka Badbaadisay Taayirada Gaari Weyn oo Dulmari Lahaa… Muuqaal Laga Duubay oo Ay La Yaabeen

Waxey u dhakhsatay si ka degdeg badan biriqda dareenka hooyonimo ee awoodda badan ayaa keeney iney ilmaheeda yar kala soo hoos baxdo gudaha taayirada gaari weyn oo marayay wadada xawaaraha lagu maro ee gudaha dalka Fitnaam.

Sheekadan ayaa ka dhacday wadada gawaadhidu sida dheeraysa ay u maraan ee gobolka Gawi ee maamul goboleedka Ram-diineh ee gudaha Fitnam, xilligaas oo ay hooyadu ay wadatay wiilkeeda yar oo ay wada saarnaayeen mooto uu waday ninkeeda, waa sida uu sheegay websiteka MailOnline ee dalka Ingiriiska ka soo baxa.

Sida ka muuqata ilbiqisiyada muuqaalkan oo uu duubay qof gaari wata, gaari ayaa ku dhacay mootadii ay wateen, arrintaas oo keentay in hooyadii iyo ilmaheeda yariba ay ka dhacaan, halka ninkeeda uu dheelitiranka moota mar kale uu dib u soo celiayay kadib markii ay la dheellisay.

Markii haweenaydan iyo canugeedu ay dhulka iskula dhaceen, ayaa canugeeda yar uu ku dhacay dhex bartamaha wadada, gaari weyn oo si xawaare ah u socda oo dhanka kale ka soo socday ayaa ku yimid.

Haddii aaney jiri lahayn dareenka hooyanimo iyo sida degdegga ah ee ay u dhaqantay, ilmaha yar waxa dhulka ku malaasi lahaa taayiraada gaariga oo xitaa nafteedu ay halis ku gashay.

Hooyadan waxaa u suurtagashay ilbiqisi gudaheed iney ku badbaadiso ilmaheeda yar, waa sida laga daawaday muuqal la soo dhigay baraha bulshada oo ay dadku aad u daawadeen, waxey aad u ammaaneen go’aanka degdegga ah ay qaadatay hooyadan xilligii ay badbaadineysay ilmaheeda yar.

Arrinta layaab kale ayaase ahayd in ninkeedu aanuu ku baraarugin markii hore iney xaaskiisa iyo canugiisuba ay dhaceen, socodkiisa ayuu iska sii watay illaa uu dheelitirka ku soo celiyo mootada, kadib ayuu ku bararugay in xaaskiisa iyo canugiiba dhaceen, waa uu u soo noqday iyagoo badqaba wadada dhinaceeda kale uu u tallaabiyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close