WararkaWaxbarashada

Maskaxdu Akhriska Wey Jeceshay.. Wax Ka Ogow Xaqiiqooyinka Ku Xeeran iyo Faa’iidooyinkiisa

Akhrisku marwalba caqliga ayuu furfuraa, fikirkaagana wuu bilaa, dareenkaagana wuu hagaajiyaa, awoodada maskaxeedna wey ku korortaa.. erayadan ayaa lagu bilaabay warbixin uu faafiyay website-ka Readers Digest oo caddeeyay in akhrisku uu xarafka weedh u bedelo , arrintaas oo kaa garabsiineysa kororka baraarugga unugyada dareenka, markaa guud ahaan; maskaxdu si ka wanaagsan sidii hore ayey u shaqeynaysaa.

Akhirsku waxa uu kugu taageeraa iney xoogeysato shaqada dhaqaaqa aadaanaha oo firfircooni gelisa noloshiisa, tusaale ahaan; maskaxdu waxey firfircooni gelinaysaa qeybta dhaqaaqa u xilsaaran ee jirka waa marka aad akhriso buug ka hadlaya farda fuulka.

Akhirska joogtada ah ee nidaamsan waxa uu ka qeybqaataa xoojinta xubnaha jirka, waxa uu suurtageliyaa inuu caqligu si wanaagsan u maareeyo arrimaha adag ee soo waajaha nolosha qofka oo awood u yeesha inuu si wanaagsan u maareeyo arrimo badan oo markii hore ku adkaa. Marka aad ka fogaato akhriska waxaa gaabis ku imaanayaa awoodda kartida maskaxdaada.

Sidaas oo kale, akhrisku waxa uu u wanaagsan yahay caruurta, waxa uu kobciyaa garaadkooda iyo awoodooda fahamka, ardayga heerkiisa waxbarasho ay dhexdhexaadka tahay waxey ka dhigtaa mid faham badan oo asaagii ka sare mara, fahamkiisa ayey xoojisaa, daraasad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in akhrisu uu si wanaagsan u hagaajiyo awoodaha maskaxdeed ee caruurta oo guud ahaan sidii hore si ka wanaagsan u shaqeynaysa.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close