arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

6 Qodob oo Kaa Garabsiinaya Wadada Ugu Sahlan ee Aad Ku Hanan Karto Qalbiga Soddohdaa (Muuqaal)

Dodohdu waxey dareentaa in xaaska mustaqbalka ee wiilkeeda ay haysato jacayl iyo daryeelka wiilkeeda, iyadana uu ka mashquulsan yahay, sidaa darteed; xiliga arooska waxey sii bilowdaa iney xumeyso la dhaqankeeda, arrintaas oo keenta inuu khilaaf ka dhex dhaco, iyadoo aanuu guur dhicin.

Si hadaba arrintaa looga dheeraado, gabadha waxaa laga rabaa iney qaadato taloyinka ay ku baran doono sida soddohda loola dhaqmo, waa sida uu sheegay website-ka “elitedaily”.

1- Ku dadaal hagaajinta xiriirka wiilka aad guursaneyso iyo hooyadii

gabadha waxaa waajib ku ah iney xoojiso xiriirka u dhaxeeya wiilka ay guursaneyso iyo hooyadii, iyadoo xasuusineysa marwalba inuu ku dadaalo hooyadii caafimaadkeeda iyo inuu hadiyado usoo iibiyo, arrintaas oo ay hooyadu qadarin doonto.

2- Ixtiramaa

Gabadha waxaa waajib ku ah iney ixtiraanto oo ay aad u qiimeyso soddohdeed, iyadoo ra’yigeeda ixtiraameysa, dhageyso oo u muujiyo inaad ku faraxsan tahay aragtideeda.

3- Ka fogow inaad isku dhacdaan

Gabdha waxaa laga rabaa iney ku dadaasho hooyada wiilka ay u doonaan tahay iyo iney iska ilaaliso inaaney marnaba isku dhicin, arrintaas oo farriin aan toos ahayn u direysa hooyada iney yihiin dad is fahmi kara.

4- Uugu yeer magaca hooyo

Gabadha waxaa waajib ku ah iney soddohdeed hooyo ay ugu yeerto, iyadoo ku dadaaleysa caafimaadkeeda, iyadoo marwalba ugu yeeraysa hooyo, arrintaas oo xoojineysa xiriirka gabadha iyo soddohdeed.

5- Iska yeelyeelka jooji

Gabdhaha qaar waxey moodayaan iney iska yeelyeelka waxaaaney ahayn ay ku soo jiidan karaan soddohdood, si aad qalbigeeda u hanato, arrintaas oo mustaqbalka la ogaanayo gabadhu waxaaney ahayn iney iska dhigdhigeysay, sidaa darteed; waxaa habboon inaadan iska caadigaaga kula dhaqanto soddohdaa maadaama qof dhammeystiran aanuu jirin.

6- Hadiyado u soo iibi

Gabadha waxaa waajib ku ah iney marwalba weydiiso xaaladda soddoheed oo la arko iney daneynayso, iyadoo hadiyadaha ay heli karto ee suurtaggal ahna u soo iibineysa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close