TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Caawa.. Samada Eeg oo Daawo Meerayaasha Jupiter, Saturn iyo Venus oo “Wadajira”

Habeen u wacan dadka xiiseeya dhacdooyinka xiddigaha oo ay daawan karaan muuqaal naadir ah iyo xiddigo badan oo kasoo muuqanaya dayaxa agtiisa, iyagoo aan teleskoob u baahan.

Xiddigaha aad arki doonto xaqiiqadooda dhabta ah waa 3 meere oo ka mid ah nidaamka qorraxda, waxeyna kala yihiin Jupiter, Saturn  iyo Venus oo ka mid ah meeryaasha qorraxda oo caawa si caddaan ah loo arki doono, waa sida ay sheegtay jariidada “Mirror” ee gudaha dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Daxaya waxey si goynayaan  kana soo ag dhawaanaya meeraha Venus iyadoo xilligaas aanuu dhameystirneyn dayaxu, waa sida ay caddeeyeen khubarada cilmiga xiddigaha iyo dadka xiiseeya dhacdooyinka xiddigaha.

Dadka daggan waqooyiga dhulka ayaa si wanaagsan u arki kara dhacdadan oo la arki doono inta aaney qorraxdu soo bixin subaxnimada Axadda.

Khubarada dhacdooyinka xiddigaha la socda ayaa sheegaya in caawa meeraha Venus uu aad u iftiimi doono, dayaxana uu aad ugu dhow yahay, halka meeraha Saturn si wanaagsan loo arki doono, iyadoo meeraha Jupiter aanuu si wanaagsan usoo muuqan doonin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close