arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gabar yar oo Isku Madadaalineysa Hees Xilli Qalliin Maskaxda Looga Sameynayo… Muuqaal Saameyn Badan Ka Dhaliyay Baraha Bulshada

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isla dhex marayay muuqaal la soo dhigay barta Facebook, gabar yar oo jirran oo ku jirta qolka qalliinka oo heesaysa, xilli ay dhakhaatiirtu ku fulinayeen qalliin caafimaad.

Gabadhan ayaa la yiraahdaa Everlyse waa 8 jir, qalliinka ayey si layaab badan isku illowsiisay, markii qalliinka lagu bilaabay ayey dhankeeda qabsatay hees, dhakhtar ayaa kataarad ka agdhaweyd la soo booday oo u camiray, muuqaal saameyn badan oo dadku ay aad uga falceliyeen.

isbitaalka lagu fuliyay qalliinka Everlyse ayaa faafiyay muuqaalka, markii muddo yar un uu baraha bulshada saarnaa ayaa dadku ay aad uga falceliyeen, waxey aad u ammaaneen gabadhan yar codkeeda, iyo kooxda dhakhaatiirta ee isku howlay iney musicga u shidaan.

Waxaa xusid mudan, in muuqaalka muddo kooban ay ku daawdeen dad kor u dhaafaya 3-milayan oo qof, waxaana share gareeyay 1,800 oo jeer oo ay dadku dhexdooda wadaageen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close