arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Askari Boolis ah oo Naftiisa Halis u Geliyay Si uu U Badbaadiyo Ey Ay Naftiisu Khatar Ku Jirtay Goor Habeen Ah (Muuqaal)

 

 

Askari boolis ah oo ka soo jeeda deegaanka Monro ee hoostaga gobolka New York ayaa naftiisa halis u geliyay sidii uu u badbaadin lahaa ey baraf ku dhex xayirmay oo naftiisu ay halis ku jirtay

Muuqaalka howshan badbaadinta ayuu ku faafiyay bayjka rasmiga ah ee booliska magaalada Ogden ay ku leeyihiin barta twitterka, dhacdadan ayaa dhacday habeenka Febaury ay ahayd 25, markii uu qofki la soo xiriirtay booliska una sheegay in ey ku dhex sakaraadayo barafka dhexdii meel khatar ah oo aaney cidina badbaadin karin.

Muuqaalka oo lagu sawiray kaamirada askariga ugu xiran dharkiisa, ayaa askariga Traafiis Garay uu aaday goobtii ay dhacdadani ka dhacday, waxa uu ku dul socda baraf jilicsan oo xilli kasta la dumi karay, isagoo barafka halka uu ka jilicsan yahay iskaga eegayay ul yar oo uu gacantiisa ku watay.

Garabkiisa ayuu u raariciyay, eygiina waxa uu gacantiisa bidix uga soo saaray biyihii barafka ahaa ee uu ku dhex xayirnaa, waaxaana uu yiri: Eygu si aad ah ayuu u qaboobaa, aadna wuu u baqanayay, laakiin si degdeg ah ayuu firfircoonidiisii dib ula soo laabtay markii uu arkay inuu badbaaday.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close