arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Haweeney Lacago Fara Badan Ku Bixisay Bisadeeda “Foosha Xun” Si Loogu Sameeyo Qalliin Qurxin Ah!

Haweeynay Shiineys ah ayaa ku bixisay 10-kun oo Yuan (Lacag u dhiganta 1,500 oo dolarka Mareykanka ah), si qalliin qurxin ah loogu sameeyo bisadeeda oo aad u foolxumeyd.

Sida ay sheegtay jariidada Daily Mail, haweenaydan oo ka soo jeedda magaalada Nanjing ee gobolka Jiangsu, ayaa bisadeeda u dirtay isbitaalka si indhaha loogu toosiyo.

Dhakhaatiirta isbitaalka Rupeng Pet Hospital oo ah halkii qalliinka bisddan lagu fuliyay ayaa sheegay in qurxinta xawaanka inta badan eyda lagu sameeyo, maada suuxdinta qalliinka ay khatar u keeni karo xaalad caafimaadka ee bisadaha oo aan xamili karin.

Inta badan xawaanka indhaha waxaa loo toosiyaa marka la doonayo iney ka qeybgalaan bandhigyada iyo tartamada u gaarka ah xayawaanka.

Ficilka ay haweenaydan ku kacday ayaa caro ballaaran ay kala kulantay baraha bulshada iyadoo dadka qaar ay ku tilmaameen iney tahay qof naxariistii ay ka guurtay. halka dad kale ay ku sheegeen iney tahay gaboodfal loo geystay xaywaanka iyo dareenkooda.”

Waqti sii horreysay ee bishii Febaury ayaa gabar Thailand u dhalatay ay midabbeysay dhagaha ey ay lahayd iyadoo adeegsadaneysa midab ay dumarku timaha marsadaan si ay midabka timaha u bedelaan, arrintaas oo keentey in midabka dhagahu uu ka bedelmo jirka intiisii kale, maalmo kadib; ayaa eygii ay dhagi ka go’day.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close