arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kadib Markii Hooyadii Ay Ku Dhimatay Buur Dusheed Xilligii uu 6 Jirka Ahaa.. Ayaa Isagiina Lagu Weysan Yahay Markii Uu 30 Jir Noqday! (Muuqaal)

Waxaa jihooyinka ay khuseyso la gaarsiiyay warka nin buurafuulka ku wanaagsanaa oo lagu waayay fiidda sare buur ku taalla gudaha Pakistan oo loo yaqaanno «Buurta geerida», kadib markii ay horey hooyadii ugu dhimatay fiidda sare ee buurta K2 ee ah buurta labaad ee ugu dheer adduunka.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday jariidada Daily Mirror ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Tom Ballard oo (30 jir ah) iyo nin kale oo Taliyaani ah oo la yiraahdo Daniele Nardi oo (42 jir ah), ayaa safarkooda bilaabay Axaddii, Febaury 24, 2019, iyagoo doonayey iney gaaraan sarreen dhan 6,300 oo mitir(Lix kun iyo saddex boqol oo mitir).

Buurta lagu waayay ayaa loo yaqaanaa Nanga Parbat, waxeyna ka mid tahay silsiladda buuraha Himalayo, waxey ku taallaa dalka Pakistan, buurtan ayaa waxey ku caan tahay magaca «Buurta geerida», waxey magacaa ku heshay dadka tirada badan oo lagu weysan yahay.

Dhacdo argagax badan oo dhacday sanadkii 1995 ayaa waxaa ku nafweyday Alison Hargreaves oo ahayd hooyada Tom, oo ku dhimatay fiidda sare ee buurka K2 oo ah buurta labaad ee dunida ugu dheer.

Tom hooyadii xilligaa waxey haystay record ah, iney noqotay haweenaydii ugu horreysay ee korta buurta Everest ee iyadoo aaney qofina garabsiin.

Tom oo ka soo jeeda magaalada Belper, ee gobolka Derbyshire, ayaa waxa ay dadku ku yaqaaneen inu ahaa qof buurafuulka xariif ku ah, waana qofkii ugu horreeyay ee adduunka ee si iskii ah u kora buuraha lixda ah ee ka mid ah silsiladda Alps oo xagaa kaliya uu isku wada maray.

Laakiin, baaritaankii loo geli lahaa raadintiisa waxaa dib dhigay, qalalaasaha siyaasadeed ee Pakistan iyo India baryahan dambe ka dhex taagan.

Waxaa la aaminsan yahay goobtii ay safarka ka bilaabeen Tom iyo saaxiibkii iney ahayd meel cilmilladu ay xun tahay oo qofku sida uu wax ku arki karaa ay adag tahay.

Nicholas Hobley oo ka tirsan joornaalka Planet Mountain, ayaa sheegay in Tom uu ka mid ahaa dadka sida aadka ah ugu xafiidka ahaa ee ugu wanaagsan habka buuraha loo koro.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay:  «Shaki kuma jiro inuu ahaa qof si wanaagsan u yaqaanna habka buuraha loo koro, waa qof aad jecleysaneyso inaad xillli kasta raacdo.»

Afhayeen u hadlay wasaaradda Arrimaha dibadda Ingiriiska ayaa sheegay iney la xiriireen  xukuumadda Pakistan oo lala soo socodsiinayo kolba wixii ka soo cusboonaada xaaladda Tom oo weli aan lahayn warkiisa.

Tom hooyadii waxey ka soo dhacday fiidda sare ee buurta K2, dabeylo ku socda xawaare 260-mayl saacaddii ayaa tuuray, duufaan aaney fileyn oo ku dhufaan aaney fileyn ayey ku noqotay, meydkeedii cidina ma’aaney helin, xilligaas Tom Lix jir ayuu ahaa.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close