WararkaWaxbarashada

Howlqabadka “Booqo Masaajidkeyga” oo Sanadkii 4aad oo Xiriir Ah Ka Hirgalay.. Waxwalba oo Aad Uga Baahan Tahay Maalintan Albaabada Loo Furo Masaajidda UK (Muuqaal)

Sanadkii shanaad oo xiriir ah maalinta loo yaqaanno Visit My Mosque «Booqo Masaajidkeyga», ayaa ka hirgashay gudaha Ingiriiska, albaabada ayaa loo furaa masaajidda daafaha kala duwan ee Uk, iyadoo dadka diimaha kale haystaa ay iskugu yimaaddaan masaajidda.

Danta laga maalintan laga leeyahay ayaa ah in dadka diimaha kale haysta ay wax badan ka ogaadaan Islaamka, isla markaana la wada oogo saalad awood badan oo ay dadku ka wada qeybgalayaan.

Jariidada The Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in howlqabadka maalinta uu si weyn u kobcay sannooyinkii la soo dhaafay, waxaana la filayaa iney sanadkan ka qeybgalaan masaajid kor u dhaafa 200 oo masaajid oo daafaha kala duwan ee UK ku yaalla.

Booqo masaajidkeyga waa howlqabad ay soo diiyaariyaan golaha Islaamka Ingiriiska, dadka diimaha kale haysta ayaa lagu dhiirrigeliyaa iney masaajidda soo booqdaan, waana howlqabadan UK oo dhan saameyn ku yeesha.

Iyadoo ay jirto in Masaajidda Ingiriiska ay albaabada u furaan dadka diimaha kala haysta waqtiyo kala duwan dhaqan xilli hore soo bilowday uu yahay, ayaa hadana maalintani ay kaga duwan tahay in mar kaliya ay masaajiddu hal maalin albaabada u furayaan dadka diimaha kale haysta iyadoo diinta islaamka waxbadan laga fahamsiinayo, waxeyna soo bilaabatay Febaury 2015.

Dhacdadan markii ugu horreysya waxey ka bilaabatay 20-masaajid, 4 sano ee la soo dhaafay si xoog ah ayey masaajiddu ugu biireen howlqabadkan oo ay gaareen illaa 10-laab.

Sanadka 2018,  waxaa ka qeybgalay ra,iisul wasaaraha Ingiriiska Tarisa May, iyo guddoomiyaha xisbiga shaqaalaha Jeerime Koorben, waxaa kale oo ka qeybgalay duqa magaalada London Saadiq Khan.

Tarisa May waxey tiri: «Tani waa fursad weyn dadka halkan jooga, si ay macluumaad badan uga ogaadaan diinta islaamka.»

Sanadkan maalinta waxaa loo ballamay Axadda,  Marso 3, dhacdadan waxaa maamula boqolaal mutadawiciin ah oo ka kala yimaadda daafaha kala duwan ee Ingiriiska.

Sanadkan waxaa ka qeybgalay 200 oo masjid, iyadoo qof kasta oo doonaya inuu islaamka wax ka fahmo uu aadayo masaajidka ugu dhow ee xaafaddiisa ku yaalla.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close