arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Khuraafaad Aan Sannooyin Badan Aaminsaneyn oo Gaashaanka Loo Daruuray (Muuqaal)

Waxaa jira arrimo badan oo aan ka aaminsaneyn sida ay xaqiiqdoodu tahay si ka duwan oo sannooyin badan aan khlad ka aaminsaneyn.

Arrimahaa waxaa ka mid; fiidmeerta(kibilliga) inaaneyn indho lahayn, caanuhu iney caloosha dejiyaan, tinta cad oo la jaro cirradda ayey madax ku badisaa…

1- Fiidmeertu Indho Ma laha

Waa faham khladan, maaxaa yeelay fiidmeerta ama kibilliga qofka sida uu u yaqaanno waxey ka mid tahay naasooleyda habeenkii,,, Xaqiiqaduna waxey tahay iney aadanaha ka arag wanaagsan tahay saddex laab,,, laakiin habeenkii ayey jeceshay iney raashinkeeda raadsato.

2- Tinta cad oo la siibo timaha caddaanka ah ayey timaha ku badisaa

Xaqiiqadu waxey tahay in tin kasta oo jirka aadanaha ku taallaa ay iskeed u taagan tahay, goobta tinta laga jaro ayuunbay mar kale ka soo baxeysaa.

3-Jiirku Cheese ayuu raashin ugu jecel yahay

Tani waa fikrad ay dad badani aaminsan yihiin, filim kartoonkana caruurta in badan lagu matalay,,, xaqiiqaduse waxey tahay marka aad dooneyso inaad jiir dabto, waxa uu ugu jecel yahay shukulaatada iyo xubuubka oo ah raashinka uu ugu jecel yahay.

4- Caanuhu caloosha ayey dejiyaan

Xaqiiqadu waxey tahay iney caloosha kiciyaan oo ay sii huriyaan, sheyga bedelka u noqon karaa ee caloosha lagu dejiyo waa cabitaannada dhirta laga sameeyo sida; kan sanjabiisha oo kale.

Hadaba, khuraafaadkaa mid ka mid ah horey ma u aaminsaneyd?

Goobjoog Edu

Related Articles

Close