WararkaWaxbarashada

Qiso Aroos oo Gilgishay Quluubta Dad Badan.. Waxey Ka Qeybgashay Guurka Gabadheeda Kadibna Wey Geeriyootay

Haweeney reer Australia ah ayaa u diidday in gabar ay dhashay ay soo horumariso waqtiga guurka loo ballansaa kansar khatar ah oo hayay dartii iyado iyadoo laga cabsi qabay in arooska ka hor ay geeriyooto, waxey ku adkeysatay iney guurka ka qeybgali doonto xitaa haddii uu dhacayo geerideeda ka hore maalin.

Jessica Longy oo 27 jir ah oo ka sheekaynaysa qisada quluubta dad badan gilgishay ee hooyadeed ayaa tiri: “Hooyaday waxaa ku dhacay kansarka dhuuxa, cudurkan ayaa laga daaweeyay sanadkii 2016, 10 bilood ka hor inta aanan is baray ninkeyga aadam.”

Jasika waxey caddeysay in xaaladda Hooyadeed Longy ay ahayd mid daggan, waxey sheegtay iney fasax la qaadatay si ay si wanaagsan iskugu bartaan ninka ay u doonaneyd, waxeyna ku heshiiyeen in arooska uu noqdo sanadkii xigay.

Sida ay sheegtay jariidada Metro ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, Axaddii, xaaladda hooyadan xanuunsaneysay ayaa sii xumaatay bilo ka hor xilligii guurka loo ballansanaa, Jessica iyo ninkii ay u doonaneyn waxey ku heshiiyeen iney guurkoda soo dedejiyaan, si hooyadeed ay ugu suurtagasho iney arooska ka soo qeybgalsho, laakiin Liyona wey diidday si aaney gabadheeda howlaha diyaar garowgu qabyo uga noqon, iyadoo ballan ku qaadday in xilligaa ay xaadi noqon doonto waxwalba oo dhaca.

Xilliga arooska loo ballansanaa waxa uu ahaa November 4, 2017,  Jasika oo qisadeeda ka sii warramaysa ayaa tiri: “Hooyadey waxey ahayd qof adkeysi badan, iyadoo ay jirto iney dhakhaatiirku uga digeen una sheegeen in waqtigeeda ay adduunka ku noolaan kartaa uu aad u kooban yaahy ayaa hadana ay kartay iney caqabad kasta ay ka gudubto  oo ay arooska soo xaadirto, waxey soo jartay masaafo dheer si ay arooska u timaaddo, waxeyna geeriyootay December 4, 2017. bil ka dib markii uu aroosku dhacay.”

Jessica waxey tiri: “Waxey ahayd maalin qurux badan oo saameyn badan ku leh nolosheyda, waanan xasuusan doonaan illaa maalinta ugu dambeysa ee nolosheyda.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close