CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Bukaan Ingiriiska Lagu Dabiibayo oo Noqday Qofkii Labaad ee Si Buuxda Uga Bogsada HIV Adis!

Bukaan ku sugan dalka Ingiriiska ayaa la filayaa inuu noqday qofkii labaad ee taariikhda ee si buuxda uga bogsada fayruuska difaaca jirka wiiqa ee HIV Aids.

Jariidada daily Mail, ayaa Talaadadii sheegtay in dhakhaatiirtu ay heleen qof mutadawac ah oo leh difaac dabiici ah oo iska caabbin kara fayruskan HIV.

Qof bukaan ah oo la dhibaatoonaya cudurka HIV ayaa lagu beeray Stem cell ka kooban dhiigga qofka mutadawaca ah ee dhiigiisa bixiyay, arrintaas oo keentay in habdhiskii dufaaciisa uu isku bedel hab uu iskaga caabbin karo cudurka.

Bukaankan reer London oo aan magaciisa la shaacin ayaa cudurka HIV-gu uu ku dhacay 15-sano ka hor, dhakhaatiirtu waxey go’aan sadeen iney bedelaan Stem cell-kiisa kadib markii ay kansar ka daaweeyeen 2016.

Waxaa xusid mudan, in qofkii ugu horreeyay ee taariikhda inta la ogyahay ka bogsada Aids-ka uu ahaa Timothy Ray Brown oo fayrusku uu ku dhacay sanadkii 1996. 12 sano kadib ayaa waxaa ninkan dib loo beeray Stem cell-kiisa oo la bedelay, muddo saddex sanno ah oo is xig xigtay oo la baarayay wax raad ah oo cudurka ah lagama helin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close