arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dawaco Laabta Ka Dhaawacday Askari Boolis Ah Gudaha Mareykanka! (Muuqaal)

Tuulo raacsan Olistar, gobolka New York ee gudaha Mareykanka, ayaa waxaa ka dhacay dhacdo yaab badan oo keentay in askari ay laabta xabbadi uga dhacdo.

Askarigan 24 jir ah ayaa waxa uu ku sugnaa tuulada Elnefiil si uu u hubiyo gaarsiin booliska loogu sheegay in dawaco dad cun ah ay dadka deegaanku arkeen.

Dawacadii ayuu helay, laakiin weerar ayey ku kadisay, waxa uu isku dayay inuu ka cararo silig dushiina uu ka boodo, laakiin wuu kufay oo dhulka ayuu kusoo dhacay, xabbad ka baxsatay ayaa si aan ku talagal ahayn uga dhacday laabtiisa.

Askarigan ayaa geeri ka badbaaday maadama uu xirnaa jaakadda rasaasta la iskaga difaaco, waxaana loo qaaday isbitaalka kadib markii ay soo gaareen dhaawacyo fudud.

Dawacadii ayaa markii dambe waxaa dilay askari kale oo la socday oo xabbad la helay oo dilay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close