arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ul Ayuu Si Xun Ugu Garaacay Maroodi Uu Xanaanadiisa Hayay… Naftiisa Ayuuse Ku Waayay (Muuqaal)

Mucaamalada aan wanaagsaneyn murugo ayey kuu horseeddaa.. xitaa waxa aad xumeynaysaa haddii ay xaywaan yihiin, waxaa dhici karta in ciqaabtaadu ay kuu soo degdegto, waa sida ay qoreen warbaahinta caalamka.

Nin ka soo jeeda gobolka Kiiraalaa ee Koonfurta India oo shaqadiisu ay ahayd inuu xawaanka xanaaneeyo, ayaa dhintay xilli uu u qubeynayay Maroodi uu markii hore si xun u garaacay, waa sida ay qortay jariidada Daily Mail.

Jariidada ayaa sheegtay in ninkan shaqaalaha ah ee la yiraahdo Aaron Banikaar oo 40-sano jir ah ay shaqadiisu ahayd inuu xanaaneeyo maroodi weyn, maroodigan ayaa uu aad u garaacay si uu ugu khasbo inuu fariisiyo xilli uu u qubeynayay.

Sida ka muuqata muuqaal ay duubtay kaamirada ilaalada goobta falkani ka dhacay, Aaruun Baanikaar oo ka soo jeeda deegaanka Karabuuga ee gobolka Kiiraala,ayaa dheellitirkii ka lumay oo sambririxday isla xilligii uu maroodigu fariisanayay.

Markii uu dhacay waxa uu hoos galay maroodiga oo ku soo santiicsaday. maroodigan ayaa waxaa iska leh sanduuq tabarucaad ah oo raacsan isbitaal maxalli ah, isla markii uu maroodiga garaacay ee uu sanbirixday ayaa maroodigu uu ku fariistay oo uu jirkiisa burburiyay.

Kaamrida ayaa waxaa laga arkayaa nin kale oo soo cararaya oo isku dayaya inuu maroodiga kiciyo mar kale si uu saaxiibkii u badbaadiyo.

Laakiin maroodigan weyn bilowga hore wuu diiday in la kiciyo, waxa uu u doontay ul si uu ugu garaaco, markii dambe wey u suurtagashay inuu maroodiga ka kiciyo.

Dilkan ayaa sida ay wax u dhaceen waxaa baaritaan ku wada booliska oo arantan doonaya iney ka helaan faahfaahin badan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close