arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

7 Fikir oo Ku Aaddan Habka Ugu Wanaagsan ee Loo Qurxiyo Gaariga “Arooska” (Muuqaal)

In arooska gaariga lagu galbinayo la qurxiyaa waa caado muddo sannooyin badan soo jirtay, gaariga waxaa lagu xardhaa ubaxyada qaar oo habab kala duwan loogu qurxiyo, arrintaas oo lagu tilmaamo iney tahay mid kalaasig ah oo soo jiidasho badan.

Sida uu qoray website-ka “weddingsonline“, waxaa jira waddooyin badan oo gawaadhida arooska loo qurxiyo oo fikrado cusub oo la fulin karo leh.

Waddooyinka Gawaadhida Arooska Loo Qurxiyo:

1-Daasado lagu xiro qeybta dambe ee gaariga

Daasado midabbeysan oo lagu xiro dhanka dambe ee gaariga, daasadahan danta laga leeyahay waa codkooda soo jiidashada leh ee ay dadku iskugu soo baxayaan faraxad aroos iney jirtana lagu dareemayo.

2- Ubax middabeysan oo xagga dambe ee gaariga lagu xiro

Halkan khubarada qurxinta gawaadhida arooska waxey ku talinayaan in ubaxyo lagu xiro dhanka dambe ee gaariga, arrintaas oo muuqaalka gaariga ku kordhineysa bilic iyo qurux dheeraad ah.

3- In gaariga dhankiisa dambe lagu xiro qaanso ubaxeed

Waxaa wanaagsan in qaansandan ubaxa ka sameysan lagu xiro gaariga gadaashiisa, arrintaas oo bilic romantic ah ku kordhineysa.

4- In qoraallo lagu bilo gaariga

Qoraalka aad ku qoran karto waxaa ka mid ah  “Hadda anigu xaasle ayaan ahayn”, “Doobnimadii waan ka baxay.” iyo erayo kale oo aad ku caddeynayso iney tahay maalintaadii farxadda.

5- In buufin lagu xiro gaariga

Halkan waxaa lagu talinayaa in buunnida qaarka midabbeysan ee waaweyn lagu xiro dushiisa sare ee gaariga.

6- Boorsada Safarka

Waxaa suurtaggal ah in boorsada safarka lagu xiro gaariga dushiisa sare, in kasta oo aan loo badneyn arrinkan, adigoo markaa ku muujinaya in gurigiinna aad ka soo guurtay oo guri cusub aad yegleeshay.

7- Baro Midabbo Leh

Baro midabbeysan oo magacyo lagu qoray ayaa lagu soo xari karaa dhanka dambe ee gaariga, waxaa lagu soo qori karaa magacyada lamaanaha, iyo erayo kale oo soo jiidasho badan isla markaana xiriir la leh farxadda arooska

Goobjoog Edu

Related Articles

Close