arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Iska Illoow iPhone iyo Samsung… Huawei Mate X oo Ku Guuleystay Abaalmarinta “GLOMO” ee Mobileka Ugu Wanaagsan Adduunka 2019

Shirkadda Huawei ayaa ku dhawaaqday in mobile-keeda Mate X Foldable 5 G uu ku guuleystay abaalmarinta aadka loogu tartamo ee GSMA ee heerka caalami, waxaa loo gartay in mobile-keedu noqdo “Mobile-ka ugu wanaagsan adduunka MWC 2019 “, abaalmarintan ayaa lagu siiyay arrimo dhowr ah oo mobile-llada kale uu dheer yahay; waxa uu wataa qalab gaar ah oo u sameysay qaabka Falcon Wing, waxaa uu leeyahay teknoloojiyada 5G, sidaas oo kale; waxaa uu wataa Huawei SuperCharge oo beteriga si degdeg ah ku dabeynaya.

Guddiga isku soo dubarida dhacdada GSMA ee qiimeynta mobileka ugu wanaagsan, ayaa abaalmarintaa heerka sare guddoonsiiyay Mate X Foldable 5G oo dhawaan suuqyada caalamka soo geli doona, abaalmarintan ayaa ka dhigan darajada ugu sarreysa ee qiimeynta teknoloojiyada mustaqbalka. ku darso isbuucii hore ayey ku guuleysay shirkaddu inta lagu guda jiray shirkii caalamig ah ee mobileka 2019 ee Barcelona ka dhacay abaalmarinno dhowr ah oo ay ka mid yihiin, GSMA, GLOMO oo ay ku heshay mobileka ugu wanaagsan adduunka 2019 oo la siiyay mobile keeda kale ee HUAWEI Mate 20 Pro.

Garsoorayaasha GSMA, ayaa sheegay in sanadkani uu ahaa sanadkii uu tartanku ugu adkaa ee dhanka abaalmarinta “Mobileka gacanta kan ugu wanaagsan adduunka ee MWC 2019”, waxey sheegeen iney garwaaqsadeen in mobileka Huawei Mate X uu noqday mobileka ugu hal-abuurka badan, waxa uu horseeday in casri cusub ay galaan mobilellada, waxa uu wataa shaashad duubmi karta sidii warqaddii, waxaana uu wataa teknoloojiyadda jiilka janaad ee 5G, waana arrinta garsoorayaashu ay aadka ula dhaceen kuna guddoonsiiyeen abaalmarin tartanka loo galaa ay aadka u adag tahay.

Kevin Ho oo ah madaxa qeybta suuq geynta ee mobileka shirkadda Huawei ayaa yiri: “Waxaan aad ugu mahadcelinayaa anigoo ku hadlaya magaca shaqaalaha shirkadda Haawei shirkadda GSMA, gaar ahaan John Hoffman oo ah madaxa fulinta shirkadda abaalmarintan qaaliga ah ee ay na guddoonsiiyeen.”

Waxaa xusid mudan, in shirkadda Huawei in 10% dakhligeeda sanad laha ah ay ku maalgashto cilmibaarista iyo horumarinta teknoloojiyadda, sanadkii 2018; waxey shirkaddu maalgashtay 15-bilyan oo dolar ay ku maalgelisay dhanka cilmiga iyo horumarintan, waxaana la guddoonsiiyay 87,805 shahaado hal-abuur oo rasmi ah. waxeyna shirkaddu kaalinta 5aad kaga jirtay shirkadaha maalgashiga xoogga ku sameeya dhanka cilmiga iyo teknoloojiyada.

Si kastaba, mobileka Huawei Mate X ayaa ammaan ballaaran ka helay warbaahinta dunida, waxa uu illaa iyo hadda ku guuleystay 30 abaalmarin oo heer caalami ah oo laga guddoonsiiyay illaa 30 dal oo daafaha kala duwan ee dunida ku kala yaalla.

 

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close