arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ri’ Dhakhtarad Aheyd oo Lagu Weysan Yahay Gudaha Ingiriiska (Muuqaal)

Tuugo ayaa waxaa u suurtagashay iney xadaan ri’ yar oo ay ka xadeen guri ku yaalla magaalada Newport ee gobolka Welsh, isbitaalka ayaa loo geyn jiray si ay u dejiso xaaladda bukaanka uu hayo cudurka Dementia ee asaasaqa keena.

Laura Dovey oo ah dhakhtarad psychologist ku takhasustay, ayaa sheegtay in ridan oo la yiraahdo “Dinky”, laga qaatay beer ay ku jirtay oo ku taalla gudaha magaalada Newport, ridan ayaa si joogta ah u booqan jirtay bukaanka uu ku dhacay Dementia ee asaasaqa oo ah cudur ku dhaca dadka waayeelka ah, ridani waxey ku fariisaneysay dhabtooda weyna la ciyaari jirtay, booliska ayaana hadda dhacdadan baaritaan ku haya.

Dhakhtaraddan ayaa waxey leedahay 5 riyood oo kale, laakiin waxey sheegtay in rida Dinky ay ahayd tan ay bukaanku ugu jecel yihiin.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close