WararkaWaxbarashada

Daraasad Cusub… Illawshiyuhu Waxa uu Faa’iidooyin Badan u Leeyahay Qaadashada Go’aannada Wanaagsan

Daraasad cusub oo laga sameeyay jaamacadda “Toronto”, ayaa lagu ogaaday in illawshiyuhu uu faa’iido leeyahay maskaxda oo aanuu u xumeyn sida ay dad badani ka aaminsan yihiin.

Sida uu sheegay website-ka “Indy 100” ee raacsan jariidada Independent, saynisyahannadii daraasaddan sameeyay waxey yiraahdeen: “Xasuusta xoogga badan waa arrin ka badbadis ah, illawshiyahanu wuxuu nacfi badan u leeyahay caqliga qofka.”

Professor Blake Richland oo daraasaddan ka qeyb ahaa ayaa laga soo xigtay inuu yiri: “Waxaa muhiim ah in maskaxdu ay illawdo faahfaahinnada aan muhiimka ahayn, waa inaan xoogga saarno arrimaah ugu muhiimsan ee nagu taageeraya go’aannada saxda ah ee wanaagsan.”

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaan ognahay in sportsku uu kordhiyo tirada unugyada dareenka ee qeybta maskaxda (Hippocampus), goobtaas oo keydisa faahfaahinnada yaryar ee nolosheenna ee faa’iidooyin badan aanan ka helin, ayna dhici karto iney naga horistaagaan inaan qaadanno go’aannada saliimka ah ee nolosheenna u wanaagsan.”

Richland waxa uu ku taliyay inaan maskaxdeenna u adeegsanno inaan ku qaadanno go’aannada muhiimka ah, isla markaana aan ka tirtirno xasuusaha aan muhiimka ahayn, si aan goobta ugu diyaarinno waxa wanaagsan.

Si kastaba, daraasaddan ayaa carrabka ku adkeysay in illawshiyuhu uu yahay calaamad caafimaad oo ka dhigan in maskaxdaadu ay keydineysa waxyaabaha muhiimka ah, waana tan loo baahan yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close