CaafimaadkaWararkaWaxbarashada

Jab Cusub oo Loo Geystay Cudurka “HIV Aids”.. Qofkii Saddexaad oo Si Dhammeystiran Uga Bogsaday Cudurka

Cilmibaarayaal ku sugan shir weynaha Seattle Conference ee caabuqyada fayrusyada dilaaga ah, ayaa ku dhawaaqay in qofkii saddexaad uu si dhammeystiran uga bogsaday cudurka HIV Aids.

Jariidada “New scientist”, ayaa sheegtay in xogta caafimaad ee bukaan ku sugan gudaha Jarmalka, magaalada Düsseldorf ay muujisay in muddo saddex bilood ah oo laga joojiyay isticmaalka daawooyinka kaalmaatiga ah uu si dhammeystiran uga bogsaday cudurka.

Haweenayda ku takhasustay cilmiga fayruska kana tirsan xarunta caafimaad ee jaamacadda Utrecht University Medical Center oo la yiraahdo Anemarie Vensing oo ka qeyb ahayd dhakhaatiirtii bukaankan daaweynaysay ayaa sheegay in xaaladda bukaanka ay la mid tahay, labadii xalaadood ee hore uga bogsaday cudurka, wadadii daweyntiisa loo raacayna ay la mid tahay wadiiqadii loo dabiibay labadii qof ee hore.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close