arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Kaligood Ayaa Ku Nool Jasiirad Geeri Go’an Ah Muddo 15-Sano Ah.. Nin Turki ah iyo Xaaskiisa oo Doortay “Nolol Yaab Badan”

Hüseyin Afacan iyo Ayşe Afacan oo ku jira da’aadda 70-meeyada ayaa waxey daggan yihiin muddo 15 sano ah jasiiradda geeri go’anka ah oo ku taalla gudaha Turkiga.

Jasiiraddan oo la yiraahdo Cicek ayaa ku taalla gobolka Ayvalik, waxaa ku badan geedka saytuunka iyo ubaxa, qoyskan ayaa waxey ku nool yihiin nolol ku tiirsan dhaqashada digaagga iyo wixii kale ee raashin ah ee ay ka helaan dhulka jasiiradda.

Qoyskan oo ku caan ah ‘Yerli Robinsonlar’, ayaa waxey ku nool yihiin guri dhagax ka sameysan oo qadiimi ah oo ku yaalla gudaha jasiiraddan oo 600 oo mitir ka fog bariga, sannooyin badan ka hor jasiiraddan waxaa dagganaa dad Giriig ah.

Qoyskan ayaa sheegay iney jasiiradda farxad ku haystaan in kasta oo ay jirto dhibaatooyin badan oo ay la kulmaan xilliyada qaar. markii hore waxey ku noolaayeen dalka Jarmalka muddo 25-sano ah, waxeyna dib ugu soo laabteen jasiiraddan oo ay ku dhasheen kuna barbaareen markoodii hore, kadib markii ay dhibaatooyin maaliyeed ay kala kulmeen daaweynta wiilkooda oo xanuusanayay  maskaxdana uu dhiig kaga furmay 2003.

Markii uu wiilkoodu geeriyooday ayey goosteen iney ka soo guuraan Jarmalka oo ay dib ugu soo laabtaan jasiiraddan oo badka ay ku fadhido uu gaarsiisan yahay 275-kun oo mitir oo iskuweer ah, waxeyna u soo guureen kadib markii ay ogolaanshiyo ka heleen milkiilaha jasiiraddan oo la yiraahdo Nuux Kaatariin.

Si ka fog nolosha casriga ah, waxey dib u dayactir ku sameysteen guri dhagax ka sameysan oo qadiimi ah oo jasiiradda ku yaalla, waxeyna halkaa ku dhaqdeen dooro(digaag) iyo Ari, korontada waxey ka heleen diinimo dabeysha ku shaqeysa oo ay sameysteen, biyaha waxey ka cabbaan ceel jasiiradda ku yaalla.

Qoyskani subixii marka ay soo kacaan, xoolaha ayey wax siiyaan kadibna jasiiradda ayey si wadajir ah u dalxiisaan. Xuseen iyo xaaskiisu ma dareemaan kalinimo, maadama ay ooqasho ugu yimaaddaan ehelkooda oo inta badan soo xiriiriya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close