arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Arday Ku Dhago Beelay Sameecado uu Heeso Ka Dhageysanayey oo uu Ku Ga’may (Muuqaal)

Arday kasoo jeeda Taiwan oo seexday isagoo hees ka dhageysanaya sameecado dhagaha, ayaa waxa uu soo kacay isagoo aan waxba ka maqleyn mid ka mid ah dhagihiisa oo howlgab noqotay, dhakhaatiirtii gurmadka u fidiyay ayaa sheegay in dhagta kale ay ku badbaadday in sameecaddii ay ka dhacday, laakiin uu labada dhagoodba si dhammeystiran uu u beeli lahaa.

Ardayga heerka jaamacadeed ee sanadkiisii labaad ku jira, ayaa nasiib wanaaggiisa waqtigii ku habbooneyd helay gurmadka dhakhaatiirta si dhibaatadu aaney ugu noqon mid joogto ah, 5 cisho kadib ayuu maqalkiisii dib ula soo noqday kadib markii uu helay daawo joogto ah iyo fadhiyo farabadan oo dhagta maqalkeeda dib loogu soo celinayo, iyadoo lagu dabiibayay isbitaalka jaamacadda Asia ee gudaha Taiwan, gaar ahaan magaalada Taichung(Taashong).

Dr. Tian Huijie, oo ah maamulaha qeybta sanka, dhagaha iyo dhuunta ee isbitaalka, ayaa u sheegtay website-ka Daily Mail, iney ka digayaan in lagu seexdo sameecadaha dhaha oo la isticmaalo xilliga hurdada, halka dadka ay dhibaato ka soo gaartay dhagaha iyagoo wax dhageysanaya xilliga hurdada ugu baaqay iney sida ugu dhakhasiyaha badan ku gaaraan goobaha caafimaad si ay uga dhowrsadaan khatar ku ballaaran oo ay ku waayi karaan dhagahooda si joogto ah.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay; in heesaha habeenkii cod dheer iyo sameecadaha lagu dhageysto ay aad u khatar badan tahay, gaar ahaan marka uu qofku si aanuu maleysaneyn uu u gamo’ iyadoo dhagihiisa ay ku jiraan sameecado.

Sida ay khubarada caafimaadku ka digayaan, waxaa jira nooc ka mid ah sameecadaha dhagaha oo khatartoodu ay aad u badan tahay noocyada kale, waa kuwa sida dhammeystiran u gala gudaha dhagaha, maadama ay codkii u diidayso inuu dibadda u baxo, si ka duwan sameecadaha kale ee caadiga ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close