arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ari-carbeed Loo Doortay Duqa Magaalada Fairhaven ee Dalka Mareykanka (Muuqaal)

Ri’ Saddex jir ah oo wadata magaca Lincoln ayaa noqoday duqii ugu horreesay ee magaalada ee loo doorto jaga shareefka lagana soo xusho xayawaanka dad joogta ah ee magaalda Fairhaven ee gobolka Vermont ee dalka Mareykanka.

Dadka magaalada ayaa ridan u doortay iney ku fariisato jago sharafeedka duqa magaalada muddo sanad ah, iyadoo shaqadeeda si rasmi ah u bibaabi doonta Talaadada soo aaddan.

Ridan ayaa laga soo dhex doortay 16 xaywaan dadjoog ah oo laga dhex xushay kulan ka dhacay magaaladan yar, ridu waxey tartan kula jirtay xawaan kale oo u badnaa Eey iyo bisado.

Marka ay xilka la wareegto waxaa la filayaa iney xaadirto xafladaha oo ay ku jirto xuska weyn ee sanad laha magaalada ka dhaca.

Waxaa xusid mudan; in magaalada Fairhaven ee tiradeeda ay gaarayaan 2500 qof, waxey ku taallaa xuduudda New York, waxeyna dhanka galbeed ka xigtaa Rutland, dhaqanka magaalada duq magaalo oo aadane ah lagama yaqaanno.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close