arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Inaad Lamaane Leedahay Waa Waxa Ugu Wanaagsan Nolosha.. Laakiin Markaad “Doob” Tahay Ku Farax oo Wax Ka Ogow Faa’iidooyinkeeda Gaarka Ah(Muuqaal)

Xiriirka jacaylka ku dhisan waa waxa ugu wanaagsan ee uu qofki noloshiisa helo karo, taa bedelkeeda waxaa dhici karta in qofka doobka ah uu dareemo in noloshiisa ay wax ka dhiman yihiin, sidaa darteed; waxa uu ku dhici karaa khalad si uu mar un u guursado oo qofkii ka soo hor baxa uu haye yiraahdo, waxa uuna sidaa u sameynaa si uu uga takhaluuso naaneysta “Doobnimada”, laakiin marka aad ogaato faa’iidooyinka doobnimada waxaad jecleysan doontaa inaad doob iska sii ahaato inta aad ka helayso qof aad jeceshay oo noloshaada janno u bedela.

Sida uu qoray website-ka WikiHow, waxaa jira faa’iidooyin farabadan oo doobnimadu leedahay waxaa ka mid ah:

1- faa’iidooyin caafimaad

Marka aad doob tahay waxaa kaa yaraaneya khatarta caafimaad ee kaaga imaan karta lamaanaha qeyru mas’uulka ah, daaraasdka la sameeyay qaarkood waxey muujinayaan in xririika la yeelato lamaanaha xun uu halleeyo caafimaadka jirkaaga, dadka doobka ahna ay ka jir dhis fiican yihiin kuwo xaaslayaasha ah, waxey aadaan goobaha sportska lagu ciyaaro si joogta ah, raashinkana si wanaagsan ayey u qaataan, welwelkuna wuu ku yar yahay dadka doobka ah.

2- Xorriyad

Marka aad lamaane leedahay iskama indho tiri kartid baahiyihiisa, xilliyada qaar waxa uu u baahan karaan waxyaabo ay kugu adag tahay inaad sameyso adigoona ku khasban inaad u sameyso si faraxadda guurka aad u dhowrto, laakiin marka aad doob tahay waqtigaaga adiga ayaa milkiyaddiisa leh cid kale kuma xirna.

3- Faa’iidooyin maaliyadeed

Marka aad lamaane leedahay oo aanuu dhaqaaleynta lacagta ku fiicneyn waxaad ku khasban tahay inaad la mucaamisho oo aad u dulqaadato, laakiin marka aad doob tahay wax welwel ah oo dhanka maaliyadda ah kuma hayso ama inaad shaqi kale meel wax u dhigto dusha kaama saarna, lacagta ku soo gasha sida aad doonto ayaad u bixineysaa.

4- Saaxiibbadaa isma seegaysaan

Markaad guursato waxaa adag inaad ilaashato saaxiibadaadii hore isla markaana aad yeelato saaxiibbo cusub, maxaa yeelay; lamaanahaaga ayaad u hureysaa waqtigaaga oo dhan iyo dareenkaaga, laakiin marka aad kaligaa tahay, waqti badan ayaad u haysaa saaxibbada cusub iyo kuwaagii horeba.

5- Naftaada waad ku dadaaleysaa

Qofka doobka ah naftiisa ayuu ku dadaalaa si ka badan qofka xaas laha ah, maadaama uu jecel yahay inuu marwalba u muuqdo qof quruxoon oo soojiidasho badan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close