TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Lama Filaan… “WhatsApp” oo Adeeggan u Fududeeyay Dadka Isticmaala iPhone-ka

Barta bulshada caanka ah ee “WhatsApp” ayaa soo kordhisay cusbooneysiin dadka mobilellada iPhone-ka Smartska ah isticmaala oo fududaynaya howl ay dad badani ku dhibtoon jireen xilliyadii hore.

Cusbooneysiintan ayaa wadata numberka “v2.19.30”, waxaana loosoo kordhiyay si loo sahlo in qof kale aad ku darsato, maadama xilliyadi hore ay waajib ahayd in qof aad numberkiisa taleefoonka aad keydiso, markaa kadibna aad hubin karto inuu adeegga “WhatsApp” isticmaalo iyo in kale.

Hadda, cusbooneysiintani waxey u saamaxeysaa dadka “iPhone” isticmaala in qofka taleefoonkiisa ay si toos ah u geliyaan adeegga “WhatsApp”, kadibna ay hubin karaan inuu adeegga isticmaalo iyo in kale inta aanuu taleefoonkiisa save-gareysan.

Shirkaddu waxey caddeysay in waxa qofka laga raabaa un ay tahay marka aad number cusub ku darsanayso inuu raaco tallaabadan “>”New Chat”>”New Contact”.

Waxaa xusid mudan, in adeegga “WhatsApp” si joogta ah loogu sameeyo cusbooneysiinno lagu fududeynayo isticmaalkiisa, iyadoo dadka iPhone-ka isticmaala ay si gaar ah uga heleen daryeel goonni ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close