arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Samada Ayuu Kasoo Hoobtay.. Markaas Ayuu Ku Dhacay Gacan Bir ah oo Dhulka Ku Sugaysay.. Dhacdo Yaab Badan oo Qabsatay Askari Australian Ah (Muuqaal)

Askari ka tirsan ciidanka cirka Australia oo la yiraahdo Jonathan Bishop ayaa ay qabsatay dhacdo aanuu fileyn in waqti ay soo mari doonto, waxa uu la kulmay ilbiriqsiyo ku noqday kuwii ugu yaabka badnaa noloshiisa.

Kadib markii ay baarashuudkiisu soo caga dhigatay dusha sare ee waadiga Orroral Valley oo ah goob loo dalxiiso, ayaa waxa uu arkay labo ka mid ah xaywaanka kangaroos(kangar) oo dhankiisa si xawaare leh ugu soo ordaya.

Sida laga arki karo muuqaal uu ku duubay kaamiro yar oo uu madaxa ku watay, Bishop oo 35 jir ah  ayaa dhankiisa waxaa u soo cararay dhankiisa labo ka mid ah xayawaanka kanguruuga, waa sida ay sheegtay jariidada The sun ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Markii hore waxa uu moodayay iney si wanaagsan ula dhaqmi doonaan oo aaney wax dhibaato ah u geysan doonin, waxa uuna si kaftan ah ugu yiri; maxaad haystaan waatan boodboodkii idinka dhammaadaye.

Bishop, ayaa waxaa lama filaan ku noqotay inuu feer kala kulmay kanguruugii, dib ayuuna uga gurtay, markii labaad ayuu hadana la haleelayay feer uu la xanuunsaday.

Bishop waxa uu isku dayay inuu naftiisa difaaco isagoo xanuusanaya oo feer lagu boobsiiyay, isla markaana kanguruuga habaaraya. kanguruugii dib ayuu uga noqday oo uu ku dhex milmay dhanka saaxiibbadii kale oo meel gees ah ka daawanayay.

Ugu dambeyntii, askarigan wax dhibaato ah ama dhaawac kama aanuu soo gaarin dagaalkii uu kanguruugu ku soo qaaday, laakiin waxa uu caddeeyay in markii hore uu u haystay iney saaxiibi karaan oo si wanaagsan ay ula dhaqmi doonaan markii uu arkay iney si dhakhsiyo ah ugu soo dhawaanayaan.laakiin waxaa u tilmaamay inuu cabsi dareemay kadib markii uu arkay in kangarkii uu feer ku boobsiiyay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close