arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Talooyin Ay Waajib Tahay In La Raaco Marka uu “Dab” Ka Kaco Goob Aad Joogto (Muuqaal)

In dhacdooyin aan wanaagsaneyn lala kulanto waa qeyb nolosha ka mid ah, laakiin marka aad dhibaato la kulanto argagaxa aad ku jirto xilligaas ayaa kaa indha tira inaad si wanaagsan u fakarto, gaar ahaan xilliga uu dab ka kaco goob aad joogto.

Website-ka la yiraahdo Life Hack ayaa waxa uu soo bandhigay talooyin dhowr ah oo ay waajib tahay in la raaco marka uu dab ka kaco goob aad joogto.

1- Qaalabka dabka lagu damiyo waa iney gurigaaga yaallaan

Waxaa waajib ah in guri kasta laga helo fire extinguisher dabka lagu damiyo, marka uu dab kaco waa inaad la soo booddo si aad u xakameyso goobta uu ka kacay.

2- Dadka kale ku wargeli

Marka aad dareento inuu guriga dab ka kacay waxaa waajib kugu ah in dadka kale aad baraarujiso, codkaaga ugu dheer ku qeyli si dadka oo dhan warkaagu u wada gaaro, dadka hurda toosi, qalabka digniinta oo qura ha ku kaaftoomin, waxaa dhici karta inaanuu shaqeynayn adiguna aad is tiraahdo dadkii farriintaadu wey gaartay.

  • La xiriir waaxda dab damiska

Si degdeg ah ula xiriir adeegga dab-damiska, si aad ula xiriirto waa inaad haysto taleefoon kasta oo laga heli karo oo ay guriga kuu yaallaan.

-Waxyaabaha Qaaliga ah ee guriga kuu yaalla ha ku mashquulin

Dad badani waxey naftooda ku waayaan mar ay is iraahdeen hantidaada wax ka badbaadso, marka ragga dab-damisku ay yimaddaan isku day inaad tusto goobta ay hantidaadu taallo si ay wax kuugu caymiyaan.

  • Ha ordin

Haddii dharkaaga uu dab qabsado ha ordin, maxaa yeelay; waa uu kusii hurinayaa, isku day inaad dhulka jiifato oo aad dhulka isku rog rogto, hoos isku dhig inta karaankaaga ah illaa inta aad guriga dibaddiisa usoo baxeyso.

  • Sankaaga dabool

Dad badan waxey u dhintaan qiiqa ay ku neefsadaan, sidaa darteed; waxaa waajib kugu ah inaad sankaaga daboosho si aadan ugu neef qabatoomin qiiqa dabka.

-Albaabada gadaashada xir

marka aad qolka gubanaya ka baxdo albaabkiisa xir, daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in qolka gubanaya marka albaabka loo xiro uu dabku xakameysmayo gubashada iyo inuu dabku meelo kale ku sii faafadana lagaga badbaado.

-Guriga dib ha ugu soo laaban

Marka aad guri ka baxdo ha ku fakarin inaad dib ugu laabato, haddii aad ogaato inuu qofi gudaha ku jiro ama xaywaan aad jeceshay uu weli ku xayiran yahay, waa inaad ogeysiiso ragga dab-damiska iyagaa kaaga xariifsan sida ruuxda iyo hantidaba loo badbaadiyo.

-Goob kaliya ha la iskugu yimaaddo

Marka guriga laga soo baxo waa in qoys walba ay hal meel iskugu yimaaddaan, si ragga dab-damiska ay ugu fududaato iney ogaadaan inta qof ee gudaha lagu la’yahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close