TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

“Qoyska Facebook” oo Ay Soo Waajahday Cilladdii Ugu Khatarta Badneyd Taariikhada

Shirkadda Facebook ayaa la dhibaatooneysa kala go’ii ugu khatar badnaa taariikhda, adeegyadii aasaasiga ahaa iyo Apps-kii xiriirka la lahaa ayaa noqday kuwo aan u shaqeynayn sidii loo baahnaa, cilladdan ayaa saameysay dad badan oo ku nool daafaha kala duwan ee dunida.

Dad badan oo barta isticmaala ayaa la kulmay mushaakil ku aaddan faafinta, halka cilladani ay saameyn ku yeelatay warbaahinta dunida.

Sidey wax u dhaceen? Cilliladdu illaa heerkee ayey gaarsiisneyd?

Khariidada lagu soo bandhigay website-ka “DownDetector” oo muujineysa heerka ay gaarsiisneyd cillidda adeegyada Facebook ayaa muujineysa in ay ahayd mid caalami ah, website-kan ayaa waxa uu si gaar ah ula socda adeegyada kala duwan ee baraha bulshada iyo dadku sida ay ula falgalaan, khariidadan ayaa muujineysa in adeegyada Facebook uu ka fariistay goobo badan oo dunida daafaheeda ku kala yaalla.

Sidaas oo kale, qiimeynnada la sameeyay waxey muujinayaan in cilliddan ay bilaabatay 16:00 GMT ee galabnimadii Arbacada.

In kasta oo ay u muuqato in barta la furan karo, ayaa hadana ay dadku ka cabanayeen inaaney u suurtaggalin iney wax ku daabacaan ama ay ku wada sheekaystaan barta.

Dadka Isticmaala Istagram-ka uma aaney suurtaggalin iney arkaan cusbooneysiinta saaxabbadood ay sameeyaan ama dhacdooyinka cusub ee ay dadku wadaagayeen.

Halka adeegga “Messenger-ka” ay kuu suurtaggal ahayd inaad wax ka dirato, laakiin dadka qaar ayaa ka sheeganayay iney cillado dareemeen marka ay sawirro is dirayeen.

Halka “WhatsApp” uu sidoo kale la kulmay dhibaatooyin iyo cilliado Apps-ka kale la mid ah, dhibaatadu waxey ka jirta “Facebook Workplace” ee xiriirada gudaha.

Shirkadda Facebook waxey cilliddan ku sheegtay iney ka warhayso isla markaana injineeradeedu ay ku gudo jiraan sidii loo xallin lahaa, : “Waxaan dareensan nahay in dadka qaar ay waajahayaan mushkilad sida; ay u gaari lahaayeen adeegyadeenna qaar, cilliladdan waxaan ku xallineynaa sida ugu dhakhsiyaha badan.”

Cilliddan waa tii ugu khatarta badneyn Taariikhda Facebook

Xilligii ugu dambeysay ee Facebook ay cilladi soo waajahdo waxey ahayd 2008, xilligaa dadka isticmaal waxey gaarayeen 150-milyan oo qof, marka loo barbardhigo dad hadda isticmaala oo tiradoodu gaareyso 2.3-bilyan oo si bille ah u isticmaala waqti xaadirkan.

Wariyaha BBC uga soo warrama “‘Silicon Valley” ee la yiraahdo Dave Lee ayaa twitter-kiisa soo dhigay, kala go’a ku yimid Facebook inuu ahaa mid aan horey loo arkay mudadii ay bartu jirtay, marka lagu daro dadka ay cilladani saameysay oo aad u tiro badan, arrimaahaas oo isbiirsaday ayaa ka dhigaysa iney tahay cillidda ugu khatarta badaneyd Facebook.

Facebook waxaa adeegsada hal-bilyan iyo 74 milayn oo qof oo mobilekooda ka isticmaala, halka tirada guud ee dadka isticmaal ay gaareyso 2.2 bilyan January, 2018.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close