arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

7 Xeeladood oo Cillmi ah oo Aad Ku Soo Jiidan Karto Saaxiibbo Cusub (Muuqaal)

Inaad saaxiibbo cusub yeelato waxey kaaga baahan tahay waqti, samir iyo xoogaa nasiib ah, laakiin waxaa jira xeeladaha qaar oo la adeegsan karo si aad naftaada ugu fududayso iney si dhakhsiyo ah ku yeelato saaxiibbo cusub.

Cilmiga ayaa ina tusaya 7 xeeladood oo ay suurtaggal tahay inaad ku dhisto saaxiibbo cusub oo wanaagsan, waxey kala yihiin:

1- Dhoollacaddeynta

Dhoollacaddeynta waa furaha saaxiibbada cusub lagu soo jiito, dadku waxey la mucaamilaan dareenta togan  ee farxadda leh marka ay ku arkaan qof aaney garaneyn, waxeyna aad uga fogaaday dadka murugeysan ama careysan.

Faraxadda waa la isku talaalaa, dadku aad ayey kuula dhacaan marka dareenkaagu uu wanaagsan yahay.

Daraasad la sameeyay 2015 ayaa sayniyahanno ka tirsan jaamacadda California ay ku ogaadeen in dadku ay u dhawaadaan qofka aaney garaneyn marka uu faraxsan yahay.

2- Qeybta aan ka jilicsan nahay oo aan la wadaagno

Caado ahaan, waan qarinnaa ceebaheenna iyo waxyaabaha aan ka baqanno marka aan shaqsiyaad cusub la kulanno, laakiin inaad dhinacyadaa la wadaagto, waxaad ku heli kartaa saaxiibbo cusub oo aad isla jaanqaaddaan.

In qofka aad u sheegto waxyaabaha aad ka baqato ama halka aad ka daciifsan tahay, waa calaamad ku tusineysa kalsooni iyo geesinimo, waxaad u muuqaneysaa qof dareenkiisa ka run sheega oo aan is kallifaad aqoon.

Daraasad ay sameysay jaamacadda Stanford ayaa lagu ogaaday in marka aan dareenkeenna qarinno, dadka si sahlan ay ku ogaan karaan, markaa waxaad u ekaaneysaa qof aan dareenkiisa ka run sheegi karin oo daciif ah.

3- Kaftanka iyo xirfadda ka qoslinta dadka

Inaad kaftanka ku wanaagsan tahay waa furaha xiriir kasta oo bulsho. qosolku waxa uu maskaxda ka soo saaraa maaddooyin kiimiko oo dareenkaaga maqsuud ka dhiga aadna u wanaajiya, cilmibaaris laga sameeyay gobolka “Illinois” ayaa lagu ogaaday in kaftanka xaraabaadka leh ee dadka ka qosliya uu muhiim u yahay inaad yeelato saaxiibbo cusub.

4- Dadka Kale Dhaqankooda wanaagsan la jaanqaado

Maahmaah ayaa waxey leedahay “Shimbirba shimbirkiisa ayuu la duulaa”, dadka aad isku cusub tihiin marka aad la jaanqaaddo dhaqankooda, waxey dareemayaan inaad u dhow dahay. halkan waxaad adeegsan karnaa labiskooda oo kale, habka ay wejiga uga hadlayaan, waana arrimaha keeni kara in xiriirku uu sii mug weynaado.

5- Marnaba ha illoobin xiriirka jirka

Marka qofka jirkiinnu uu is taabto aad ayey iskugu dhaweynaysaa, tusaale ahaan; marka ay gabadhu saaxiibteed gabarka ka qabsato aad ayey iskugu soo dhawaeynaysaa.

halkan iska ilaali ka badbadiska, dadka qaar ma jecla in loosoo dhawaado, halka kuwo kalena aaney ogoleyn inaad ka fogaato, markaa waxaa habboon in dhaqdhaqaaga aad xakameyso.

6- Dadka kale oo mujaamalo loo sameeyo

Dadka oo dhan mujaamalada wey jecel yihiin, sidaa darteed; waa aalad u faa’iido badan marka aad dooneyso inaad saaxiibbo cusub yeelato.

7- u Daa naftooda ha ka sheekeeyaane

Dhageyso marka ay dadku naftooda ka sheekaynayaan, waxey dareemayaan inaad qadarin u hayso oo aad si wanaagsan u dhageysaneyso.

Daraasaad ay sameysay jaamacadda Harvard ayaa muujinaya in nafteenna aan ka sheekaynno ay tahay arrin dabiici ah oo faa’iido badan

Goobjoog Edu

Related Articles

Close