arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Faahfaahinta Lix Caalim oo u Dhashay Dalka Masar oo Laga Cabsi Qabo in Lagu Shirqoolay Diyaaraddii Itoobiya Ku Burburtay(Muuqaal)

Xeer ilaaliyaha Guud ee dalka Masar Nabiil Axmed Al-Saadiq, ayaa ku amray xafiiska farsamada iney baaritaan degdeg u galaan sidii loo hubin lahaa, gaarsiin xafiiskiisa soo gaartay oo uu waday qareen Camar Cabdisalaan oo ku saabsan burburkii diyaaradda Itoobiya ee galabnimadii Axadda.

Xeer ilaaliyaha ayaa amray in arrinka lasoo gaarsiiyay ee qareenkani uu ku dalbaday in baaritaan laga furo, sababtii ay u dhinteen Lix Caalim oo ku naf waayay diyaaradda in si bareer ah loo dilay oo ay ahayd shirqool iyo in kale?

Qareenka ayaa dalbaday in la xulo guddi ka tirsan xeer ilaalinta, si ay ula socdaan habka uu u socdo baaritaanka ay waddo dowladda Itoobiya ee ku aaddan sababtii ay u burburtay diyaaraddan ay dadkii saarnaa ee rakaabka ahaa ay ka mid ahaayeen lix caalim oo aqoonyahanno sare ah oo ka mid ah culumada-sayniska Masaarida.

Gaarsiintan ayaa lagu yiri: “Waxaan codsaneynaa in la baaro si aan u kala ogaanno in dhacdadani ay shil ahayd ama ay ahayd mid qadar ku yimid, haddii ay caddaato in dhacdadani ay ku taloggal ahayd, waxaa ka dhalaneysa in loo baahdo baaritaan heer caalami ah si loogu aar gudo shuhadada cilmiga, dadka aqoontooda u dhintay. ”

Gaarsiintan xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee  Masar, ayaa lagu sheegay: “Sirdoonka ajinabiga oo ay ugu horreeyaan Mossad Israel ayaa horey waxey ugu lug lahaayeen shirqoollo ay ku naf waayeen tiro ka mid ah culumada sayniska masaarida sannooyinkii la soo dhaafay, tusaale ahaa; caalimadda dhanka physics-ka ee Samiira Muuse, oo shirqool lagu dilay sanadkii 1952-dii iyadoo ku sugan California, sidaas oo kale; Caalimkii la oranjiray Jamaal Xamdaan oo ku dhinta gacanta Mossad-ka sanadkii 1993, Caalimkii Physicska ee Samiir Najiib, caalimkii Dr. Mustafa Mashrafah oo la dilay sanadkii 1950, caalimka Yaxya al-Mashad oo la shirqoolay sanadkii 19980.”

Diyaaradda “Boeing 800MAX-737”, ayaa waxey fulineysaa safarkeedii duulimaad ee tirsigiisu ahaa “ET- AVJ”, Debre Zeyt ee dhex bartamaha Ethiopia.

Diyaaradda ayaa duushay 08:38 subaxnimo, waxey ka soo duushay caasimadda Addis Ababa, waxeyna ku jeedday Nairobi Kenya, lix daqiiqo markii ay hawada ku jirtay ayaa xiriirkeedii uu go’ay, dayaaradda waxaa saarnaa 152 qof oo ka soo kala jeeda 32-jinsiyadood oo kala duwan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close