arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Gacanteeda Ayey Goysay Si Ay u Hesho Lacago Farabadan oo Shirkadaha Caymiska Ay Kula Heshiisay! (Muuqaal)

Gabar Slovenia u dhalatay ayaa ku kacday dhacdo waalli ah, kadib markii ay si ula kac ah u jartay gacanteeda si ay u hesho lacago farabadan oo shirkadaha caymis uga soo xarooneysa.

Booliska caasimadda Slovenia ee Ljubljana oo dhacdadani ay ka dhacday ayaa sheegay in gaadhan 21 jirka ah ay tallaabadan waalida ah qaadday iyadoo garab ka heleysa shaqsiyaad ka tirsan qoyskeeda, gacanta ayey uga gooyeen miishaar koronto ku shaqeysa kadibna waxey ula carareen isbitaalka, iyagoo sheeganaya in shilku uu ku dhacay si lama filaaan ah xilli ay gabadhu isku dayaysay iney jarto geed beerta ku dhex yaalla.

Booliska ayaa caddeeyay in shaqsiyaadka qoyska ka mid ah ay si ula kac ah gacanta qeybtii go’day guriga looga soo tagay, si ay u hubanti uga dhigaan iney gabadhaasi gacanteeda weydo oo ay naafo ka noqoto.

Laakiin, gabadhii dhaawaca ahayd markii isbitaalka loola cararay ayaa xubno ka tirsanaa waaxda gurmadka degdegga ay guriga kusoo laabteen, gacantii ayey soo qaadeen, dhakhaatiirta ayaa waxey u suurtaggashay iney gacantii goobteedii dib ugu celiyaan oo ay ku fuliyaan qalliin guuleystay.

Baaritaannadii la sameeyaya ayaa lagu ogaaday in gabadha iyo qoyskeeda ay dhacdadan ku kaceen, kadib markii ay heshiisyo kala duwan ay la galeen shirkado caymis, iyagoo qorsheynayay iney helaan lacago gaaraya illaa 400,000 oo Euro.

Weli baaritaannadii wey socdaan sidii ay dhacdadani u dhacday, halka khubarada qaanuunku ay sheegayaan in dadka dambiga ku lugta lahaa ay waajihi doonaan ciqaab gaarsiisan xabsi 8-sano ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close