arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Dil Toogasho ah Laguma Xukumi Doono.. Xukunka La Filayo in Lagu Rido “Dilaagii New Zealand”

Dilaaga New Zealand dadka badan ee Muslimiinta ah ku laayay labada masjid, ayaa maxkamad la soo taagay Sabtidii, iyadoo wax badan la iska weydiinayo ciqaabta uu mutaysan karo dilaagan xag jirka ah ee 50ka qof u dilay sida naxariis darrada ah labada masjid, maallinimadii Jimcaha ee la soo dhaafay.

Sida ay qortay jariidadu “The Sun” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda, dilaagan Brenton Tarrant, ee 28 jirka ah oo dilka ku eedeysan, dil toogasho ah laguma xumi doono, maadama ciqaabtaa laga saaray xeerka ciqaabta New Zealand sanadkii 1961.

Sanadkii 1961, ayaa dilka laga saaray xeerka ciqaabta New Zealand, kadib markii loo qaaday afti dadweyne, xukunka waxa loo soo reebay marka dowladda la khiyaamo qura, laakiin sanadkii 1989, ayaa dilka si guud looga saaray xeerka ciqaabta New Zealand.

Dilaagan ayaa la filayaan in mar labaad maxkamadda la horkeeno April 5 ee soo aaddan, boolisku waxey sheegeen iney u badan tahay in dambiyo kale lagu soo oogo.

Khubarada qaanuunka waxey aaminsan yihiin in dilaaga “New Zealand” lagu xukumid doono xabsi daa’im, iyadoo aan loo ogolaan doonin in waxwalba oo dhaca iyo duruuf kasta oo jirta aan la sii dayn karin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close