arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ganacsade India u Dhashay oo U Geeriyooday Qalliin Qurxin ah oo Qaatay 12 Saacadood oo Xiriir ah

Ganacsade India u dhashay oo ka soo jeeda magaalada Mombai ayaa qalliin timo loogu beerayay oo qaatay 12 saacadood sababtiisa u geeriyooday.

Jariidada the Independent ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in ganacsadahan 43 jirka ah la geeyay isbitaalka kadib markii lagu arkay dhibaato dhanka neefsiga ah, kadib markii uu xasaasiyad ka qaaday tintii cusbeyd ee lagu beerayay.

Jariidada ayaa waxey warbixinteeda ku dartay in gacansadahan uu geeriyooday maalintii labaad, kadib markii xubnaha jirkiisu ay ku fashilmeen iney xamilaan tintii cusbeyd ee lagu beerayay.

Ganacsadahani waxa uu qalliinka ku bixiyay 500-kun oo rubi (lacag u dhiganta 7,158 dolar), si timo loogu beero isbitaal gaar ah oo ku yaalla xaafadda Shansho-kokoli ee gudaha Mombai.

Qalliinkan ayaa waxa uu qaatay 12 saacadood, waxa uu bilowday Jimcihii, waxaana la soo gabagabeeyay 2:00  maalin labaad.

Gacansadahan ayaa lagu arkay in neefsigu ku adag yahay, waxaana loola cararay isbitaal, laakiin dhakhaatiirta uma aaney suurtaggalin iney badbaadiyaan, waxaana la aaminsan yahay in xasaasiyad ay ku kacday oo ay ku noqotay falcelin daran oo jirku ku diidan yahay timihii  cusbaa ee lagu beeray.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close