TiknoolojiyadaWararkaWaxbarashada

Howlgal “Sir” Ah oo Mobile-kaagu Uu Qabto Adiguna Aadan Ka Warhayn

Mobileku waxa uu kaydiyaa macluumaadka meel kasta oo uu booqdo qofka wataa isagoo aan ka warhayn, waxaa kale oo la mid ah Facebook oo meel kasta oo aad gaarto si buuxda u diiwaangeliya.

Sida ay sheegtay jariidada “Mirror”, mobile “iPhone” waxa uu keydiyaa goob kasta oo aad booqato inta jeer ee aad gaartay iyo waqtiga ay ahayd.

Shirkadda “Apple”, waxey caddeysay in macluumaadkan loo adeegsado si dadka isticmaal loogu qabto adeegyo gaar ah, sida; “Jihaynta dhaqaaqa waddo marista iyo in sawir fiican loo abuuro oo ay ku xasuusan karaan meelihii ay gaareen iyo inta jeer ee ay ku noqnoqdeen.”

Uruurinta xogta iyo kaydinteeduba waxey ka dhaceysaa gudaha Taleefoonkaaga. “Apple” carrabka waxey ku adkeynaysay inaaney macluumaadka cid kale la wadaagin iyadoo aanuu waxba ka ogoeyn qofkii mobile-ka sida gaarka ah u lahaa.

Haddii uu qofku doonayo inuu hubsado macluumaadka uu mobile-ku ka ogyahay ama uu jeclaysto inuu masaxo oo nimaadkaasi shaqada uu haya uu goosto inuu howlgab ka dhigto waxa uu qaadi karaa tallaabooyinkan soo aaddan:

  1.     Aad Settings app ee iPhone-kaaga
  2.     Ku dhufo Privacy section
  3.     Ku sii dhufo Location Services
  4.     Halka hoose sii eeg oo raadi batoonka Services-ka
  5.    Ku dhufo badhanka Significant Locations tab
  6.     Kugal Face ID wejiga, touch ID farta ama passcode kuugu xiran.

Markaa waxaa kuu soo baxaya liis dheer waddamadii aad booqatay, marka aad magaalo kasta si gaar ah ugu dhufato waxaa kuu soo baxaya faahfaahinta goobihii aad booqatay oo khariidada kaaga soo muuqanaya, waxaana sidoo kale kuu soo baxaya waqtiga booqashada iyo inta jeer ee aad ku noqnoqtay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close