arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

6 Talo oo Ku Aaddan Sida La Isku Illowsiiyo “Jacaylka” Aad Ku Dhibaatooto.. Marka Aad Goosato Inaad Xiriirka Soo Afmeerto (Muuqaal)

In kasta oo uu jacaylku yahay dareenka ugu wanaagsan ee uu qofi heli karo noloshiisa, ayaa hadana uu dadka qaar dhibaato uu gaarsiiyaa waa marka ay jeclaadaan  qof aan u qalim, si kasta oo aad u jaceshay waxaa imaaneysa maalin aad gacanta ka taagato oo aad goosato inaad xiriirka soo af jarto marka aad agtiisa ku dhibaatooto oo aad ka weydo daryeelkii aad u baahneyd, laakiin mushkiladda ay waajahaan gabdho badan ayaa ah inaaney illoobi karin maadama uu dareenkoodu ka awood badan tahay, si hadaba xiriirkaa aad uga gudubto si nabadqab ahna aad uga tallaabsato adigoon naftaada dhibaato u geysan, ayaa website-ka WikiHow uu soo gudbinayaa talooyin ku aaddan sida looga gudbo laguna illoobo jacaylkaagii hore:

1- Ha isku dayin inaad dareenkaaga caburiso

Ooy oo qayli waxa gudahaaga ku jirana bannaanka soo dhig, waxaa caadi ah in xilliga hore aad murugo dareento marka aad isku daydo inaan is illowsiiso, waxaa lagaa rabo ayaa ah in dareenkaaga aadan caburin oo aad aqbasho si aad uga xorowdo.

2- Caro ha isku dhiibin

Xilliyada qaar waxaa dhici karta inaad aad u carooto marka aad soo xasuusato dhibaatooyinka uu kuu geystay, taasi waa arrin iska caadi ah, laakiin waxaa habboon inaad dareenkaaga caro isku dhiibin oo aanuu kaa tan badan.

3- Naftaada sasab

U iibi naftaa shukulaato iyo waxyaabo kale oo ay jeceshahay, waxaa aad kuugu faa’iido badan inaad naftaada sasabto oo waxey jeceshay aad ku casuunto si niyadaada aad kor ugu qaaddo.

4- Dhageyso Music-ga

Dhiirrigelin xooggan ayaad ka heli kartaa marka aad dhageysato heesaha calaacalka, ugu yaraan waxaad dareemaysaa inaadan dhibaatada kali ku ahayn, waa samirsiin aad naftaada ku madadaalin karto.

5- Ka Fogow Xiriir kasta oo aan daruuri ahayn

Ha sameyn xiriir taleefoon ama kulan lama filaan ah , ka fogow meelaha uu u badan yahay, waa marka aad si dhab ah u dooneyso inaad u illowdo, xaynaad ka sameyso, naftaadana sii fursad dhab ah oo ay ku illoobi karto.

6- Ka Takhluus waxwalba oo aad ku xasuusan karto

Haddii aad xiriir kasta u jarto oo aad ka fogaato inaad si toos ah ula kulanto, waxaa suurtaggal ah inaad waqtiyo badan la dhibaatooto oo aad ku fashilanto inaad illowdo, maadama uu qolkaaga ka buuxo waxyaabo badan oo aad ku xasuusan karto waqtiyadii wanaagsanaa ee aad isla qaadateen.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close