arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Geed Leh Il Ay Biyo Kasoo Burqadaan oo Dad Badan Ka Yaabiya Xilliga Jiilaalka (Muuqaal)

Geed ku yaalla tuulo yar oo ku taalla Montenegro ayaa dad badan ka yaabiya marka la gaaro xilliga Jiilaalka, dadka deegaanku waxey kala kulmaan muuqaal dabiici ah oo noociiso oo kale aanuu dunida ka jirin oo ku saabsan geed qadiimi ah.

Muuqaal laga soo duubay ayaa waxa uu muujinayaa sida geedkan qadiimig ah oo ku yaalla tuulada “Denosiya” ee Montenegro uu iskugu bedelo tubo ay biyo ka burqadaan xilli kasta oo tuulada ay ka da’aan roobab ma hiigaan ah.

Geedaha kale ee gobota ku yaalla arrintan oo kale laguma arko, laakiin dhacdadan ayaa leh fasiraad macquul ah, waa sida uu Sabtidii sheegay website-ka Oddity Central.

Jariidadu waxey sheegtay in geedka ay ku hoos yaallaan ilo biyo ah oo jiriddiisa soo dhex mara.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay iney dhacdadan ay arkayeen 25 sano ee la soo dhaafay, halka geedkan isha biyaha ka burqaneyso cimrigiisa lagu qiyaasayo 150 sano, waxa uuna sheegay in dadku meel walba uga yimaaddaan si ay geedkaa u daawadaan.

Dhacdadan oo kale ayaa waxey ka jirtaa magaalada Tohala ee dalka Yurub ku yaalla ee Estonia, biyuhu waxey ka soo burqadaan ceel qadiimi ah oo loo yaqaanno “Ceelka Sixirka” , dadka maxalliga ah arrintan waxey ka sheegaan sheekooyin sixir salka ku hay, iyadoo ay jirto in dhacdadaasi ay  tahay mid dabiici ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close