arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Lama Filaanka Soo Gaaray Habeenkeedii Arooska…Farriin Ay Usoo Dirtay Hooyadeedii Geeriyootay Labo Sanno Ka Hor(Muuqaal)

Haweenay Ingiriiska u dhalatay ayaa heshay farriin sir ah oo ay usoo dirtay hooyadeedii geeriyootay labo sano ka hor, farriintan ayey ku hesho waddo aan horey loo arkin, waa sida ay sheegtay jariidada “Mirror” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda.

Emma Letts oo 38 jir ah ayaa isku diyaarineysay iney aqal gasho, isbuucii hore ayaa la soo gaarsiiyay hadiyad aroos oo ahayd kabihii ay maalinta arooska xiran lahayd, laakiin arrin layaab badan ayey ku aragtay kabaha hoostooda.

Markii ay u fiirsatay kabahan loogu talogalay iney xirato maalinta arooskeeda ayaa oohin la aamusin kari waayay carrabkeedana uu hadal ka soo bixi kari waayay, waa markii ay u caddaatay in qoraal ay ku aragtay dhanka hoose ee kabaha, farriin hambalyo ah oo sir ah oo ka soo gaartay hooyadeedii dhimatay.

Emma waxey sheegtay in hooyadeed uu kansar ku dhacay markii ay la soo doontay ee la maher saday muddo yar kadib.

Waxey hadalkeeda sii raacisay, waxey dooneysay iney arooska xaadirto oo ay sii noolaato, illaa inta ay kala aqal galeyso saaxiibkeeda Richard, laakiin geerida ayaa u soo degdegtay sanadkii 2017 oo ay dhimatay.

Emma waxey sheegtay in qoraalka kabaha ku qornaa uu ahaa sidan: “Waxaan doonay inaad hadiyad hesho munaasabadaada arooska, waa hadiyadeyda aan kuugu talogalay.. waxaan rajeynayaa inaad hesho maalin qurux badan.. oo jacayl badan iyo dhunkashooyin badan.. Hooyadaa.”

Emma waxey carrabka ku adkeysay inaaney arrintan waxba ka ogeyn, sidaas oo kale ninka ay u doonan tahayna aanuu waxba kala socon, arrintana ay aad u gilgishay dareenkeeda.

Waxey caddeysan, in markii ay boostada soo gaartay, ay doontay iney eegto kabaha la soo gaarsiiyay, inta aaney lugaheeda gelin ka hor ayey qoraal aragtay dhanka hoose kaga yaalla, laakiin aaney eegin waxa uu ahaa.

waxey tilmaantay in farriinta gadaal ka akhrisay, waa markii ay ogaatay iney ahayd farriin dhanka hooyadeed ka soo gaartay  oo ay ugu talogashay iney akhriso maalinta arooskeeda “Nafsaddu iney iga go’do ayaan ku dhawaaday, hadalkuna wuu iga soo fuqi waayay.”

Ema, sawirka kabaha ayaa waxey soo dhigtay barteeda Facebook. haweenay iibisa kabaha oo la yiraahdo “Amanda Weise”, ayaa waxey tiri: “Waxaa aad u wanaagsan inaan ka qeyb noqdo kabo hadiyad caadifadeed ah, waxey ahaayeen kabihii iigu qiirada badnaa ee aan nolosheyda farsameeyo.”

Emma hooyadeed ayaa inta aaney dhiman ka hor la xiriirtay Amanda oo ka codsatay iney kabaha naqshadeyso oo ay hadiyad ugu dirto gabadheeda, iyadoo dhanka boostada u dhigaysa marka uu arooskeedu soo dhawaado.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close