arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Miisaankii Dabeecadda oo Dhanka Kale Isku Rogay.. Digaag Faransiis ah oo Dilay Xayawaan Doonayay Inuu Mid Mid u Ugaarsado (Muuqaal)

Koox digaag ah ayaa ka hortagay oo dilay dawaco isku dayday iney ku dhex cunto beer lagu xanaaneeyo oo ku taalla gudaha Faransiiska.

Jariidada “The Guardian” ee dalka Ingiriiska ka soo baxda ayaa sheegtay in dooradan ay si awood badan uga hortagtay dawacada, beer raacsan iskuul ku yaalla waqooyiga Faransiiska, dawacadii waxey is aragtay iyadoo dhexda kaga jirta albaab si otomatic ah isku xira markii uu gabalku dhacay.

Ardayda iskuulka ayaa helay maydka dawacada subixii dambe mar ay kormeer ku sameynayeen xayndaabka xerada digaagga lagu xanaaneeyo, halka ma’suulka xerada doorooyinka Baskaal Daniyal uu sheegay in dawacadu ay meyd ahayd markii ay goobta soo gaareen oo aaney naf ku gaarin.

Digaagga xerada ayaa waqtiga intiisa badan ku qaata kaymaha xeradooda ku hareeraysan, gudahana kuma naaagdaan marka ay ukun dhalayaan ama ay habeen tahay mooyaane.

Dhacdadan ay doorooyinku ku dileen dawacada ayaa ah mid ka baxsan miisaanka dabeecadda oo hore aan loo arkin, maadama aaney dooradu ka mid ahayn xayawaanka dagaallama ee bahalka iska dhiciya.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close