arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

3 Tallaabood oo Sahlan oo Aad Ku Helayso Jacaylka Wiilka Aad Mustaqbalka Ka Leedahay (Muuqaal)

Qof ma jeceshay oo ma dooneysaa inaad mustaqbal la wadaagto, ma kugu adag tahay sidii aad u soo jiidan lahayn, ma dooneysa in lamaanahaagu u si aad ah kuu jeclaado, oo aanuu garabkaaga marna ka faaruqin?

Quruxda aad leedahay qiimo saas u sii buuran ma laha, inaad dheer tahay ama aad gaaban, qof taajir ah inaad tahay ama faqiir intaba kuma xirna, dhammaan arrimahaas oo dhan qiimo sidaa u sii buuran ma laha markaan kuu soo bandhigno sirta aan faafin doonno hadda!.

Michael Fiori oo ah khabiir dhanka xiriirka jacaylka isla markaana alifay mid ka mid ah buugaagta ugu iibsiga badan Amazon, ayaa daahrogay saddex tallaabood oo aad ku sameyn karto xiriir jacayl oo qof la jecel yahay oo la koolkooliya aad ku noqon karto.

1- Ha dareensiin inaad u baahan tahay, dareensii inaad la’aantii noolaal karto oo nolshadaada caadiga ah aad sii wadan karto haddii uu kula joogo ama uu kaa tago labadaba, marka uu ninku uu ogaado in gabadhu ay si aad u jeceshay oo aaney ka maarmi karin, waxa uu dareemayaa inuu kaa gaaray dantii uu lahaa, wax kale oo iskugu kiin harsanna aaney jirin, sidaa dartee; ku dadaal inaadan heerkaa gaarin, si kasta oo aad u jeceshay dareensii inaadan u baahneyn isaga iyo cid kasta oo kale, ma rumeysan doontid sida aad u soo jiidato.

2- Ha daba cararin, taa bedelkeeda isagu dadaal badan ha ku bixiyo sidii uu kuu soo gaari lahaa, qiimahaaaga dareensii, waxa aad agtiisa ugu muuqaneysaa shaqsi qaali ah oo ay tahay inuu ilaashado oo sida lagu helaa ay adag tahay, marka uu kaa arko inaad xiriirka raalli ka tahay si degdeg ah ayuu kuula xiranayaa si uu garabkaaga u istaago, xilligaa si wanaagsan ayuu mas’uuliyaddiisa u gudanayaa, waxaanuu dareemayaa inuu qiime sare ku bixiyay sidii aad lamaane ula noqon lahayd.

3- Hortiisa mustaqbalkaaga ku abuuro idigoo daggan oo xasiilloonni badan muujinaya, ha u muuqan qof is muujinaya oo kale, dareensii in waxa aad dooneyso aad og tahay, mustaqbal cadna uu kuu muuqdo, awoodaadana aad ku kalsoon tahay, aragtidaa ka qeyb dhig si dadbadan, waxaa hubaal ah inaad soo jiidan doonto oo uu ku daba carari doono.

Ugu dambeyn, saddexdaa talo raac oo hubso inaad ugaarsan doono oo gacantaada uu soo geli dooni wiilka aad ku riyooneyso ee aad mustaqbalka ka leedahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close