arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

5 Arrimood ee Ugu Daran ee Qofka Ka Mashquuliya “Shaqo Maalmeedkiisa”

Weli ma is weydiisay sababaha shaqadaada yareysa ?, su’aashan ayaa waxaa ka jawaabtay daraasad dhawaan la sameeyay oo lagu ogaaday in 80% waxyaabaha shaqada nuqsaamiya ee kaa mashquuliya ay ka mid tahay sheekada saaxiibbada shaqada oo waqti badan uu ku lumo, halka buuqa shaqada ka dhex dhasha uu soo galay kaalinta labaad heer gaarsiisan 70%.

Sida uu qoray website-ka “Statista” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, daraasaddan ayaa tilmaantay in 7 ka mid ah tobankii qof ee kasta ee daraasaddan ka qeybgalay ay sheegeen in waxyaabaha shaqada dhibaatada u keena ay tahay buuqa, halka liiska halka ugu dambeysay ay kaga jirto baraha bulshada, halka dadka kala bar ay aaminsanaayeen in booqashada baraha bulshada ay dhibaato u keento shaqadooda oo ay lugooyo ku noqoto.

Ra’yi uruurinta daraasaddan ayaa lagu sameeyay in ka badan 1000 qof oo shaqo dhammeystiran ka shaqeeya oo da’doodu ay ahayd 18 jir ah iyo wixii ka sarreeya.

Waxyaabaha ugu daran ee shaqadaada maalintii kaa mashquuliya waxaa ka mid ah:

1- Saaxiibbada shaqada oo lala sheekaysto: heer gaarsiisan 80%

2- Buuqa shaqada ka dhex dhasha: 70%.

3- In uu qofku daal dareemo isbedellada dhanka shaqada: heer gaarsiisan 61%.

4- Shirarka: heer gaarsiisan 61%.

5- Baraha bulshada: 56%.

 

Goobjoog Edu

Related Articles

Close