WararkaWaxbarashada

Sheekada Wiil Dhalinyaro ah oo Awood u Leh Inuu Cuno Shinni Nool .. Qaniinyadeeduna aaney Waxba u Dhimin (Muuqaal)

Wiil dhalinyaro ah oo dalka India ka soo jeeda ayaa awood u yeeshay inaaney waxba ka qaadin qaniinyada shinnida oo xitaa jirkiisa aanuu waxyar oo danqaasha ah ama barar ah aanuu yeelan, looxaanta ay malabka ku dhasho ayuu qoorta gashan karaa, halka uu cuno shinnida oo nool.

Wiilkan dhalinyarada ah oo 32 jir ah, waxa uu ku nool yahay gobolka Bengal ee galbeedka India. muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya isagoo shinni badan gacanta ku haysta iskuna dayaya inuu afka gashado, halka shinni farabadan ay jirkiisa weerar ku tahay iyadoo aan waxba ka qaadeyn, shinnida ayaa qeybo ka mid ah jirkiisa uu ku qarsan karaa, waa sida ay sheegtay jariidada “Daily Mail”

Wiilkan dhalinyarada ah ayaa ka sheekeynaya bilowga shaqadiisa oo ahayd in malabka la raadiyo, horey waxa uu kaaliye ugu noqday dhakhtar ku sugan magaalada Kalkata’ ee dalka India, laakiin waxa uu goostay inuu shaqadiisa u bedelo dhanka malabka oo uu xirfadeeda lahaa, muddo 16 sano ah oo uu ka shaqeynayay shinnida ayaa waxa uu yeeshay difaac adag oo la qabsada qaniinyada shinnida oo aan wax saameyn ah ku yeelan jirkiisa.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close