arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Ubaxyada Hadiyad oo Qura Looma Isticmaalo.. Wax Ka Ogow Saameynta Ay Naftaada Ku Yeeshaan(Muuqaal)

In badan oo inaga mid ah ayaa gurigooda waxey dhigtaan ubaxyo kala duwan, waxeyna ku beertaan saanqaafka sare ama barxadda gurigooda, dadka qaar ayaaba dariishadaha ku beerta, arrintaas oo faa’iidooyin aan la qiyaasi karin ku yeelata naftooda, waa sida uu sheegay website-ka “plastia”.

Saameynta ay ubaxyadu ku yeeshaa nafta aadanaha

-Waxaad ka helaysaa nasasho

Ubaxyada soo jiidashada fiican ee aadka u udgoon,  waxey kaa garab siiyaan inaad nasasho dareento marka aad ka soo baxdo shaqada adag ee maalintii, sidaas oo kale, sidaas oo kale waa ku raaxeysaneysaa oo aad farxad ku dareemaysaa.

-Dareenka taban ayaa lagu jabiyaa

Ubaxyadu waxey saameyn xooggan ku yeeshaan dareenka aadanaha, welwelka ayaa kaaga yaraada, dareenka taban ee aan wanaagsaneyna waa lagu jabiyaa.

-Dadka kale ayuu ku dareensiiyaa

Ubuxu marwalba waxa uu u baahan yahay daryeel, in la waraabiyo oo caleenta qalasha laga hagaajiyo, arrintaas oo kaa dhigaysa inaad noqoto qof dadka kale muhiimad siiya, sidaad u baxa u daryeelayso oo kale.

-Midab kastaa saameyntiisa gaarka ah ayuu leeyahay

Saameynta ay ubaxyadu ku yeeshaan dadka waxey u kala duwan tahay sida ay midabadiisu kala yihiin oo kale, ubaxyada meelaha banaan ka baxa waxey hagaajiyaan dareenka, midabbada sida; casaanka, caddaanka iyo jaallaha waxaad ku dareentaa farxad, halka ubaxyada kalaasigga ah aad ku dareento jacayl iyo saaxiibtinimo dhab ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close