arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Xaaladdeeda Ayaaa Ku Adkaatay.. Tuug Lacagtii Dib Ugu Celiyay Haweenay uu Ka Dhacay (Muuqaal)

Dhacdo yaab badan oo ka dhacday dalka Shiinaha, Tuug ayaa u naxariistay haweenay uu isku dayay inuu dhaco, lacagteeda ayuu dib ugu celiyay kadib markii uu ogaaday inaaney lacagta kale haysan.

Warbaahinta Shiinaha ayaa aad u hadal hayay dadkuna ay isla dhex mareyeen muuqaalka qof dumar ah oo dooneysay iney lacag kala baxdo mishiinka ATM, si lama filaan ah ayaa waxaa usoo weeraray tuug, lacagtii ay haysatay ayuu ka qaatay, waana uu u hanjabay si ay lacag kale mishiinka ugala soo bixiso, markii ay u caddaato inaaney haysan lacag kale, ayuu lacagteedii oo gaareysay 320-dolar dib ugu celiyay.

Muuqaalkan ayaa lagu duubay kaamaro ku xiran ATM-ka mashiinka lacagta, tuuggii waa la qabtay, waa sida ay qortay jariidada The Sun, waxaana lagu soo eedeeyay isku day dhac khasab ah, iyadoo gabadhu ay isku dayayso iney iska cafiso, maadama uu lacagteedii u celiyay.

Muuqaalka ayaa si xoog ah ugu faafay Baraha-bulshada, malaayiin qofni ay daawatay, halka falcelinnada arrintan lagu kala duwanaa, dadka qaar waxey qabaan in la iska cafiyo maadama uu lacagtii celiyay, halka dadka kalena ay aaminsan yihiin in ciqaabtiisa la marsiiyo maadama uu isku dayay inuu qof cabsi geliyo oo uu dhaco, hadhowna ay suurtaggal tahay in cid kale dhibaateeyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close