WararkaWaxbarashada

Haddii uu Been Kuu Sheego Ama uu Ballamaha Kaaga Baxo Ogow Saaxiibkaaga Rumaad Maaha… 5 Astaamood oo Lagu Garto ‘Saaxiibka Dhabta Ah’

Aadanaha dabeecad ahaan waa bulshaawi, kaligii inuu noolado ma awoodo, waxa uu jecel yahay in xiriirkauu dadka kale la leeyahay uu noqdo mid dhab ah, xiriirka ugu muhiimsan qof kasta waa kan saaxiibtinimo, saaxiibku mararka qaar waxa uu noqdaa walaal dhab ah, waxa uu ku farxaa waxa aad ku faraxsan tahay, waxa uu la murugoodaa waxwalba oo aad dhibsaneyso.

Warbixin uu soo bandhigay website-ka WkiHow, ayaa lagu sheegay calaamado kuu caddeynaya in saaxiibkaa uu yahay mid rumaad, calaamadahaa waxaa ugu muhiimsan:

1- Saaxiibbada dhabta ah wey is garabsadaan oo ay is dhiirrigeliyaan

Saaxiibbada dhabta ah waxey dareemaan inaad u faa’iido badan tahay, marka uu kula joogo waxaad dareemaysaa farxad iyo kalsooni, qof kasta waxa uu u baahan tahay tamar wanaagsan iyo dhiirrigelin, sidaa darteed; in saaxiibbo dhab ah ay noloshaada ka qeyb yihiin waa arrin muhiim ah, xitaa haddii aad aragtiyada qaar ku kala duwan tihiin.

2- Saaxiibkaaga rumaad wuu ku dhageystaa

Xilliyada qaar waxaan u baahan nahay inaan helno qof ina dhageysta, saaxiibka dhabta ah waxa uu si wanaagsan u yaqaannaa sida uu kuu dhageysan karo oo uu qalbigisiisa iyo dhagihiisa kuugu furo, maadaama aad adiguna si wanaagsan u dhageysato marka uu u baahan yahay qof dhageysta.

3- Si furfuran ayuu kuula xiriiraa

Waxaad la wadaagi kartaa sheekooyinkaaga iyo sirtaada, halka saaxiibkaaga rumaad u si sahlan u fahmo dareenkaaga adigoon waxba u sheegin, marka aad xoogaa diiqad ah dareemayso wuu ku garab istaagaa, waxa uu isku dayaa inuu kaa saaro xaaladda xun ee aad ku jirto.

4- Saaxiibkaa ma yahay mid runta kuu sheega

In runta la isku sheego waxey ka mid tahay aasaasiyaadka ay ku taagan tahay saaxiibtinimada dhabta ah, marka aad aragto inuu saaxiibkaa kuu been sheegayo, arrintaas waxey ka dhigan tahay inaanuu mid rumaad ahayn.

5- Ballan oofin

Saaxiibka ballanta kaaga baxaa maaha mid rumaad, marka aad aragto inuu illoobayo wixii aad isku ogeydeen, waxaad ogaataa inaanuu qadanineyn waqtiga uu kula qaadanayo, umana qalmo in lagu tilmaamo inuu yahay saaxibkaa rumaad, maxaa yeelay; erayga saaxiibka rumaad waxaa ka mamnuuc ah in ballanta la iskaga baxo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close