arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Shimbirka “Lionel Messi” oo Lagu Kala Iibsaday Lacago Record Ah Noqotayna Shimbirta Ugu Qaalisan Adduunka(Muuqaal)

Shimbir lagu tilmaamo inuu yahay “Lionel Messi” shimbiraha ayaa waxaa lagu iibiya lacago record ah xaraash ka dhacay daarta wax lagu kala iibsado ee “Pipa”, waa sida uu qoray website-ka “Sky News” ee dalka Ingiriiska ka soo baxa.

Website-ku waxa uu sheegay in shimbirku uu iska leeyahay Juwayl Firshoot, lagu iibiyay hal-milyan oo giniga sterling-ka (Lacago u dhigma hal-milyan iyo 300 oo kun oo dolar.)

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “shimbirka Armando waxa uu noqday kan ugu qaalisan adduunka.. waxey ka qeybgaleysay tartamo ay records ka dhigtay dowlado badan oo dunida ka tirsan.” tartamo qoolley loo qabtay oo ka dhacay daafaha kala duwan ee dunida.

Sky News, waxa uu caddeeyay in naaneysta shimbirkan uu horey u lahaa shimbir hore oo la iibiyay November-tii hore oo lagu iibiyay 322-kun oo giniga starline ka ah.

Maamulaha fulinta ee daarta xaraashyada Pipa ayaa waxa uu ka hadlay waxa Armado ka dhigay iney noqoto shimbirka ugu qaalisan adduunka waa recordska ay ka dhigtay dhammaan tartamadii ay ka qeybgashay.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Shimbirkan waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay shimbirrada kale Messi-gooda iyadoo loogu magac daray xiddiga Barcelona ee gaaray guulaha waaweyn ee taariikhiga ah.”

Shimbirtan Armando hadda wey ka fariisatay tarmada markii ay da’deedu gaartay 5-sano, laakiin dadka doonaya iney iibsadaan aad ayey u tiro badan yihiin, maadama ay aaminsan yihiin in faraceedu ay soo hoyn karaan guulo la mid ah tan ay Armando soo hoysay.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close