arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Wiil Dhalinyaro ah oo Helay Lacag Nus-milyan Dolar Ah Dibna Ugu Celiyay Qofkii Iska Lahaa

Wiil dhalinyaro ah oo reer Argentina ah ka soo jeeda tuulada Nogoyá, ayaa waxa uu helay Nus-milyan dollar, waxaanuu dib ugu celiyay qofkii iska lahaa, madax furasho waxa uu u codsaday in la shaqaaleysiiyo oo qora, waa sida uu sheegay joornaalka “Perfil”

Sida uu joornaalku xusay, José Sánchez, waxa uu la nool yahay saaxiibtii iyo labo caruur ah oo uu dhalay, waxey ku nool yihiin guri kiro ah, lacag bille ah oo uu meel ka sugana ma laha.

Sheekadu sida ay ku bilaabatay, nin ayuu arkay taleefoon ku sheekaysanaya oo boorso uu watay wadada kaga dhaqaaqay, waxa uu isku dayay inuu joojiyo si uu boorsadiisa u qaato, laakiin ma aanuu arkin.

Boorsada ayaa waxaa ku jiray Nus-milyan doolar, waa sida uu wiilkan dhalinyarada ah uu sheegay, waxa uu tilmaamay in lacag intaa le’eg aanuu noloshiisa arkin.

Booliska ayuu la xiriiray, laakiin qofnina taleefoonka kama aaney qaban, idaacad maxalli ah ayuu la xiriiray si loo baafiyo qofkii lacagta iska lahaa, waa ay is heleen ninkii lacagta wadada kaga tagay, waxa uu noqday nin ganacsade ah oo lacagtiisii dib ayaa loogu celiyay.

Ninkii gacansadaha ahaa waxa uu ku soo bandhigay hal-milyan oo bisoska Argentina (Lacag u dhiganta 25,000 oo dolar), ama inuu guri u iibiyo, laakiin wiilkii dhalinyarada ahaa wuu ka diiday, taa bedelkeeda waxa uu ka codsaday in shaqo la siiyo. ganacsadihii waxa uu u ballanqaaday inuu sidaa sameyn doono.

Sanchez, markii sheekadiisa laga baahiyay idaacadda waxaa soo gaaray bandhigyo shaqo oo aad u farabadan oo dhinac walba ka soo gaaray. amaanadiisa iyo inuu iska dhowro waxa dadka kale ayuu heer fiican ku gaaray.

Si kasta, Dhaqaalaha Argentina ayaa waxa uu hadda ku jiraa heer adag, sicir bararka ayaa aad ugu badan, shirkado yaryar oo farabadan ayaa albaabada loo laabay. waa sida uu sheegay mac’hadka waddaniga ah ee tirakoobyada dalkaasi, halka heerka shaqo la’aanta ay gaartay 9%.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close