arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Eedaanka Jimcaha Idaacadaha Ayaa Laga Bahin Doonaa.. Ra’iisul-wasaaraha New Zealand oo Ku Dhawaaqday Tallaabooyin Hor Leh oo Lagu Garab Istaagayso Muslimiinta

Ra’iisul-wasaaraha New Zealand “Jacinda Ardern”, ayaa Arbacadii March 20, 2019 shaacisay tallaabooyin ay qaadayso Jimcaha soo aaddan si ay garab istaag ugu muujiso dadka Muslimiinta ah ee dalkeeda ku nool.

Ardern, ayaa sheegtay in laga soo bilaabo ilbiriqsiyadii uu dhacay xasuuqa labada masaajid jimcihii hore ay u istaagtay iney ammaan  u hesho musliimta ku tukanaya masaajidda New Zealand.

Wareysi ay siisay janalka “Aljazeera” ayaa waxey hoosta ka xariiqday in warbaahinta laga sii deyn doono eedaanka saaladda Jimcaha soo aaddan, iyadoo arrintaa looga golleeyay in garab istaag loogu muujinayo muslimiinta.

Sidaas oo kale, waxey ku dhawaaqday in labo daqiiqo la aamusi doono Jimcaha, xaflad baroordiiq ah oo la filayo iney ka soo qeybgalaan hoggaamiyeyaal ka kala imaanaya dowladaha Adduunka.

Ra’iisul-wasaaruhu waxey sheegtay in xasuuqii “Christchurch” uu ahaa fal argagixiso ah oo qof kaliya uu iskii u sameeyay, xasuuqaa waxaa lagu beegsaday dad New Zealand u dhashay oo doonayay iney salaad ku tukadaan meel ay u haysteen iney tahay meel aamin ah, waxeyna sheegtay in fikirka uu aaminsanaa ninka weerarka geystay uu ahaa mid la cambaareeyo oo aan sinaba lagu ogolaan karin.

Ra’iisul-wasaaraha waxey qiratay iney jiraan dad aaminsan fikradda ninkii xasuuqa geystay oo kale, laakiin ay yar yihiin, lslamarkaana ay ku dadaalayaa iney ilaaliyaal sumcadda New Zealand oo dadkeeda lagu yaqaanno iney nabad ku wada noolaadaan iyagoon cidna cuqdad gaar ah loo qabin.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close