arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Qalliinka Qurxinta Ugu Casrisan Uguna Caansan Dunida 2019 (Muuqaal)

Qeyb dumarka  ka mid ah ayaa waxey aad ugu daadsan yihiin qalliinka qurxinta nooc cusub oo model noqday, waxaa loo yaqaannaa “rich girl face” wejiga gabadha taajiradda ah oo baryihii dambe aad loogu daadsan yahay.

Jariidada “The Sun” ee kasoo baxda dalka Ingiriiskan ayaa sheegtay in modelka “rich girl face” (Wejiga gadha taajirka ah) ay aad ugu soo bateen dumarku oo ay galaan qalliinka wejiga oo ay ka siman yihiin da’aadooda kala duwan.

Dhakhatarka qalliinka caanka ah ee reer Ingiriis Dr Dirk Kremer ayaa hoosta ka xarriiqay in la sameeyo qalliinka “rich girl face” ay soo hoos galeyso buuxin wejiga lagu sameynayo iyo faruurta iyo dhabannada oo lagu durayo cirbad Botulinum toxin, halka haragga sare ee jirka lagu sameynayo dib u habeyn oo unugyada dhintay laga safeeyo iyadoo la adeegsanayo acid.

Qalliinkan ayaa waxaa aad ugu badan dumarka 20 illaa 29 jirka ah, kuwaas oo qaab ahaan sameysta u dhow kan gabadha milyaneerka ah ee ugu da’da yar adduunka ee Kylie Jenner.

Kariimar waxa uu hadalkiisa sii raaciyay in gabadhaha jiilkan cusubi ee qalliinkan lagu sameeyo ay ka duwan yihiin kuwii jiilalkii hore, iney aragtida dadka iska qariyaan ma doonayaan, qallinkani waxa uu noqday mid faan ah oo gadhuhu ay dhex dooda ku faanaan oo ay u tartamaan.

Goobjoog Edu

 

Related Articles

Close