arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

Sababaha Keena In Lamaanahaagu uu Kaa Tago Iyadoo Ay jirto In Aad Isku Ogeydeen Ballan Adag .. Sida Ay Tahay Inaad Ula Dhaqanto (Muuqaal)

Khubarada dhanka arrimaha bulshada ku takhsusay waxey leeyihiin, waxaa dhici karta in lamaanahaagu uu yahay nooca jecel inaad u muuqato qof qiimo sare oo ay adag tahay in la helo sidaa darteedna ay jacayl yihiin iney ku daba cararaan, qofka astaantaa leh marka uu hubsado inaad aad u jeceshay oo aadan marnaba ka maarmi karin, waxaad arkaysaa inuu dib u gurayo oo uu is bedelayo kaana tagayo.

-Waxaa dhici karta inaanuu markii horeba xiriirka daacad ka ahayn oo uu doonayay inuu maalmo waqtiga kugu qaato laakiin aanuu mustaqbal fog kaa lahayn, amaba waxaa dhici karta inuu ka cabsi qabo inuu xiriirku sii horumaro oo uu gaaro meel aanuu markii hore maleysaneyn.

-Waxaa kale oo dhici karta inuu dib ugu gurtay khalad aad sameysay oo aanuu ka helin, arrintaas xanaaqeeda uu kaaga maqan yahay.

Sideed ula dhaqmeysaa

Marka hore waa inaad hubsato sababta isbedelka u keentay, si aad u hesho wadada ku habboon ee aad kula dhaqmi karto.

  • Haddii uu yahay nooca dadka xiriirka ka fogaada marka aad u dhawaato, waxaa lagaa rabaa inaad xoogaa iska indha tiro oo aad isku yara qiimeyso oo aadan tusin inaad u baahan tahay ama aad ka daba dhareerayso, sheekooyinka aad la sheekaysaneyso ku yara adkee oo isku yara xayaysii.

  • Haddii uu rabo inaanuu xiriirku heer jacayl aanuu gaarin oo jacaylka uu ka baqayo, ka fogow, waxaad ogaataa haddii uu xiriirkaasi sii socdo in qofka ku khasaarayaa uu adiga un yahay, haddii uu kuu soo laabto isagoo uu kalgaceylkii soo ritay ka digtoonow illaa aad ka hubsaneyso in jacaylku uu dhab ka yahay.

-Haddii uu kaaga fogaanayo khalad aad gashay oo aadan ka warhayn ama aad illowsan tahay isku day inaad arrinta ku xalliso xikmad, runsheeg iyo cadaalad.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close