arrimaha bulshadaWararkaWaxbarashada

3-da Xabsi ee Ugu Caansan Adduunka.. Xaggey Ku Kala Yaallaan.. Sababta Caannimadooda Ka Dambeysa (Muuqaal)

Xabsiyada adduunka qaarkood waxey ku caan baxeen dadkii dagganaa oo ahaa dad magac weyn ama sabab xagga nidaamka xabsiga oo aad u adag ama iyadoo aan cidina ka baxsan karin.

xabsiyada adduunka ugu caansan waxey kala yihiin:

1- Bastille

Asalkiisii hore waxa uu ahaa qalcad, markii xabsi loo bedelay, qofkii ugu horreeyay ee lagu xiray waxa uu ahaa injineerkii dhisay oo lagu soo eedyay inuu ku xad gudbay muqadaas diini ah. laakiin xabsigani waxa uu caan noqday markii lagu soo xiray rag badan oo caan ahaa oo uu ka mid ahaa François-Marie Arouet oo ahaa qoraa iyo  faylasuuf Faransiis ah oo ku caan baxay dhalishiisa madaxda, (waxa uu dhashay November 21, 1694, waxaanuu geeriyooday 1778), waxaa kale oo ka mid ahaa Marquis de Sade, waxaa kale oo ka mid ahaa dadkii ku xirnaa Alessandro di Cagliostro (dhakhtar kimistariyahan u dhashay dalka Taliyaaniga.

Intii uu socday kacdoonkii faransiiska ayaa mudaharaadayaal ay qabsadeen xabsiga oo ay burburiyeen, faransiisku sanad walba waa looga  dabbaaldagaa 14 July oo ahaa maalintii la qabsaday xabsiga Bastiyal oo sanad walba loo dabbaaldago illaa iyo maanta.

2- Qasriga Yves Palace

Qasrigan waxaa laga dhisay jasiirad ku taalla badda Cad ee White Sea oo dhowr kiilomitir u jirta xeebaha Marseeliya. qasrigan bilwgiisii hore waxaa loo isticmaalay qalcad difaac oo laga ilaaliyo duullaannada dhanka badda, laakiin markii shaqadaasi ay soo  afmeerantay ayaa loo bedelay xabsi, illaa maantadan aan joogno cidina iskuma aaney dayin iney ka baxsato xabsigan.

3- Jasiiradaha Sheydaanka

Laga soo bilaaabo sanadkii 1852, saddex jasiiradood oo ku taalla bad weynta Atlantic Ocean ayaa waxey xabsi u noqdeen dambiilayaal khatarta ah, waxaana loo bixiyay jasiiradaha Sheydaanka.

Jasiiradahan waa laga baxsan karaan, laakiin waa dhanka badda oo qura, waxaana ku hareeraysan keymo cabsi badan oo ay bahallo ka buuxaan, sidaa darteed; cidina iskuma aaney dayin iney ka baxsato, waxaa halkaa lagu hayaa 80-kun oo qof oo dambiilayaal waaweyn ah oo 10 sano oo shaqo adag ah ku qaata jasiiradahan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close